Don't wanna be here? Send us removal request.
Text
Laba jaar oo Soomaaliyeed bay Somaliland leedahay midi waa Jabuuti oo aannu ku Hambalyeynayno horumarka ay gaadhay, midina waa – Murrashax Muuse Biixi
Laba jaar oo Soomaaliyeed bay Somaliland leedahay midi waa Jabuuti oo aannu ku Hambalyeynayno horumarka ay gaadhay, midina waa – Murrashax Muuse Biixi
Hargeysa 27/06/2017 (Warbaahinta xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hambalyeeyey dawladda iyo shacabka Jabuuti horumarka ay gaadheen xuska sannad-guurada 40-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada ka qaateen gumaystihii Faransiiska 27 June 1977. Guddoomiye Muuse Biixi…
View On WordPress
0 notes
Text
TACSI GUDDOOMIYE
26 June 2017 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha…
View On WordPress
0 notes
Text
Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, Ahna Ku-simaha Madaxwayanaha iyo Guddoomiyaha KULMIEY oo shicabka la tukaday
Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, Ahna Ku-simaha Madaxwayanaha iyo Guddoomiyaha KULMIEY oo shicabka la tukaday
Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku Simaha Madaxweynaha dalka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa qaar ka mid ah dadwayanaha ku dhaqan magaalada Hargeysa kula soo tukaday salaadda ciidal-fidriga Masjid-jaamaca wayn ee magaalada caasimadda. Madaxweyne-ku-xigeenka waxa madaxda ku wehelinaysay salaadda ka mid ahaa…
View On WordPress
0 notes
Text
Guddoomiyaha KULMIYE oo shicabka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidul-fidrida iyo xuska 26-ka June
Guddoomiyaha KULMIYE oo shicabka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidul-fidrida iyo xuska 26-ka June
Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda ciidul-fidriga ee sanadka 1438-ka. Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Hargeysa maanta, ayaa shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda…
View On WordPress
0 notes
Text
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo soo xidhay tartanno kubadda cagta ah o ka socday Garoomada Xawaadle Iyo 31-ka May
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo soo xidhay tartanno kubadda cagta ah o ka socday Garoomada Xawaadle Iyo 31-ka May
Hargeysa 22/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa maanta si rasmi ah usoo xidhay tartannadii kubadda cagta ee bisha Barakaysan ee Ramadaanta ka socday garoomada Xawaadle iyo 31-ka May. Munaasibadda gunaanadka tartannada garoomadan, ayaa…
View On WordPress
0 notes
Text
Shirkii Falanqaynta Barnaamij-siyaasadeed KULMIYE ee aqoonyahanka Jaamacadaha oo la soo gunnaanaday
Shirkii Falanqaynta Barnaamij-siyaasadeed KULMIYE ee aqoonyahanka Jaamacadaha oo la soo gunnaanaday
Hargeysa 22/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Shirkii falanqaynta barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE u diyaariyey inuu ku galo doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 13-ka bisha November ee ay ka qaybgaleen aqoonyahanka jaamacadaha dalka qaarkood, ayaa la soo gunnaanaday xalay kadib laba habeen oo uu ka socday Hargeysa. Shirkan oo uu soo abaabulay Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee…
View On WordPress
0 notes
Text
Xisbiga KULMIYE oo abaalmarino guddoonsiiyey kooxo ku guulaystay tartan kubadda cagta ah oo ka socday Geed-deeble
Xisbiga KULMIYE oo abaalmarino guddoonsiiyey kooxo ku guulaystay tartan kubadda cagta ah oo ka socday Geed-deeble
Geed-deeble 21/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa abaalmarino kala duwan oo iskugu jira koobab, diraysyo iyo billado ku wareejiyey kooxihii kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay tartan kubadda cagta ah oo bisha barakaysan ee Ramadaan ka socday gudaha magaalada Geed-deeble ee degmada Daarasalaam oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex. Wafti…
View On WordPress
0 notes
Text
Nuxurka kulan Guddoomiyaha KULMIYE Xafiiskiisa kula yeeshay wefti safiirro Ingiriis ah
Nuxurka kulan Guddoomiyaha KULMIYE Xafiiskiisa kula yeeshay wefti safiirro Ingiriis ah
Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbal-xaamika Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti safiirro ka socda dawladda Ingiriiska maanta. Weftigan waxa hoggaaminaysa Safiir-ku-xigeenka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Safaaradda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo…
View On WordPress
0 notes
Text
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo booqday garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga Hargeysa, agabna guddoonsiiyey tartan ka socda oo xibigu ku deeqay.
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo booqday garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga Hargeysa, agabna guddoonsiiyey tartan ka socda oo xibigu ku deeqay.
Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday garoonka Tima-cadde ee kubadda Kollayga ama gacanta ee caasimadda Hargeysa caawa cawayskii, kaasi oo uu ka tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo agabka ciyaartoyga iyo qalabka lagu qabtayba uu bixiyey xisbigu. Guddoomiye…
View On WordPress
0 notes
Photo

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Cabdillaahi Iskooj 19 June 2017 - TACSI GUDDOOMIYE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md.
0 notes
Text
Xisbiga KULMIYE oo Agab Ciyaareed uu wareejiyey jooxaha ka qayb gelaya tartanka kubbadda Cagta ee ka socda garoonka Dhurqaanta
Xisbiga KULMIYE oo Agab Ciyaareed uu wareejiyey jooxaha ka qayb gelaya tartanka kubbadda Cagta ee ka socda garoonka Dhurqaanta
Hargeysa:(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Hoggaanka xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE u qaabilsan degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, ayaa agab ciyaareed xisbigu ugu talo galay tartanka kubadda cagta bisha Barakaysan ee Ramadaan ee kasocda Garoonka Dhurqaanta ku wareejiyey maamulka tartankaas gacanta ku haya. Agabkan oo ka kooban Kubbado, Billado, koobab iyo Diraysyo, ayaa qayb…
View On WordPress
0 notes
Text
Garabka dhallinyarada KULMIYE ee heer qaran oo casuumad dhiirrigelin u sameeyey la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha ciyaaraha
Garabka dhallinyarada KULMIYE ee heer qaran oo casuumad dhiirrigelin u sameeyey la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha ciyaaraha
Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa casuumad dhiirrigelin ah u sameeyey La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha ciyaaraha ee dhawaan la magacaabay Md. Maxamed Cumar Cabdi (Xato). Kulan afur iyo casho ah lagu maamuusayey La-taliyaha Madaxweynaha ee Ciyaaraha oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa caawa, waxa ka qaybgalay…
View On WordPress
0 notes
Text
Xisbiga KULMIYE oo agab ciyaareed ku wareejiyey gobollada Buuhoodle iyo Badhan
Xisbiga KULMIYE oo agab ciyaareed ku wareejiyey gobollada Buuhoodle iyo Badhan
Hargeysa 15/06/20170(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE). Hoggaanka garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE, ayaa agab ciyaareed xisbigu ugu talo galay tartamada kubadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaanta ku wareejiyey gobollada Buuhoodle iyo Badhan. Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, ayaa agabkan oo ku kooban kubbado, koobab, billado iyo diraysyo ku…
View On WordPress
0 notes
Text
Xisbiga KULMIYE oo tartankii ugu horreeyey kubadda cagta ee loo qabto degmooyinka hoos yimaada gobolka Togdheer uga Furay Degmada Balli-dhiig
Burco (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa tartankii ugu horreeyey ee loo qabto dhallinyarada ku nool degmooyinka hoos yimaada Gobolka uga furay demgada Balli-dhiig. Tartanka oo loo qabtay lixda degmo ee kala ah; Balli-dhiig, Dhoqoshay, Duruqsi, War-cibraan, Qoryaale iyo Qorilugud, waxa furitaankiisii oo ka dhacay magaalada Balli-dhiig waxa goob jog ka ahaa…
View On WordPress
0 notes
Text
Wafti xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka tirsan oo lagu soo ohaweeyey Hargeysa
Wafti xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka tirsan oo lagu soo ohaweeyey Hargeysa
Hargeysa 13/06/2017: (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda caddaaladda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, isla markaana ay xubno ka ahaayeen xogyaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, guddoomiyaha KULMIYE ee dalka Sweden Md. Fu’aad Kaamil Ciise, wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Md. Sakariye Xasan Wacays iyo xubno kale, ayaa maanta…
View On WordPress
0 notes
Text
Tacsi
Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Cabdiraxmaan Cileeye 12 June 2017 TACSI GUDDOOMIYE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka…
View On WordPress
0 notes
Text
Madaxweynaha Sonaliland oo cayimay maalinta doorashada madaxtooyada qaranka
Madaxweynaha Sonaliland oo cayimay maalinta doorashada madaxtooyada qaranka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland la qaban doono Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 83aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda…
View On WordPress
0 notes