cnnsomalian
cnnsomalian
CNN SOMALI CHANNEL
5 posts
http://m.facebook.com/CNNSOMALIAN/
Don't wanna be here? Send us removal request.
cnnsomalian · 8 years ago
Video
tumblr
At Conservative Party Conference in Manchester last month, I said that it was my mission to fix the broken housing market, build the homes our country needs and reignite the dream of home ownership in Britain once again. Yesterday’s Budget set out an ambitious plan do just that by building 300,000 additional homes each year – the biggest annual increase in housing supply since 1970 . But it will take time for building more homes to have an effect on prices. Young people struggling in the housing market need help right now. That’s why the Chancellor announced that we are abolishing stamp duty on the first £300,000 of the purchase price of homes up to £500,000 for all first-time buyers. From today, 80% of first time buyers will pay no stamp duty at all and 95% will pay less than they would have done before the Budget. This is about giving people practical help, helping them with the upfront costs they face when buying a home. It means that first time buyers will save an average of £2,000 – money that can be put towards deposits, solicitor’s fees or new furniture. Our message to the next generation is that getting on the housing ladder is not just a dream of your parents’ past, but a reality for your future. https://calisaxafi.wordpress.com http://m.facebook.com [email protected] Cali M Gaaboow
1 note · View note
cnnsomalian · 8 years ago
Photo
Tumblr media
Cali M Gaaboow ﺍﻟﺼﺤﻔﻲ Dowladda oo ka hadashay weerarkii Bariire 29 Sebtembar 2017 Sarkaal ka mid ah ciidamada Soomaaliya, Janaraal Sheegow Axmed Cali, oo maamulayay saldhigga la weeraray ee Bariire ayaa sheegay in qaar ka mid ah kooxda weerartay ay ku dileen dagaalka. Wuxuu tilmaamay iyo militariga Soomaaliya ay guuleysteen, iskana caabiyeen weerarka Al-Shabaab ee Bariire. "Saaka aroortii, seddax meel ayey naga soo galeen; dhinaca wobiga; dhinaca Koonfur iyo dhanka waqooyi. Ka dib way naga jabeen ka dib markii dharbaaxo culus ay ku dhacday, illaa maydooda aan meesha dhignay", ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Soomaaliya. Janaraal Sheegow ayaa tilmaamay in illaa 18 ka mid ah shabaab ay ku dileen dagaalka ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose. AlShabaab ayaa sheegatay in ku dhowaad 30 askeri ay ku dileen weerarka, laakiin Janaraal Sheegow ayaa beeniyay arrintaas. Wuxuu Sheegow qiray in illaa 12 askeri ay ku dhinteen weerarka Al-Shabaab ee Bariire ay ku qaadeen saaka. Sidoo kale wuxuu Janaraalka beeniyay in Al-Shabaab ay qaateen gawaari xerada ciidamada tiilay. Kooxda ayaa sheegatay in 11 gaarii oo ay ka mid yihiin kuwa caafimaadka ka qaateen saldhigga. "Baabuurta waxay ahaayeen kuwa qaar kood ay haleysnaayeen, oo difaaca yaalay, oo baasuuko uu ku dhacay. Gawaarida way cuslaayeen, mid ay qarxiyeen iyo seddax kale; afar gaari baan ogahay hadda", ayuu yiri Janaraal Sheegow.
0 notes
cnnsomalian · 8 years ago
Photo
Tumblr media
Siraha Culuculus [Sirculus:-] Taariikhda-dilalkii uu geeystay Somali British taliye ka noqday Muqdisho ? Friday September 22, 2017 - 06:47 by Super Admin Somali British ka tegay London Uk oo lagu magacaabo Saadaq Joon ayaa dilal iyo tacadiyo baahsan ka geeystay Muqdisho kadib markii loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka gobolka Banaadir. Saadaq Joon oo Darawal u noqday Safiirkii Somalia u fadhiyay Ingiriiska Mr Abdullahi Sanbaloolshe ayaa leh taariikh dheer oo ku saabsan noloshiisa iyo sababtii uu Somalia uga cararay. Saadaq Joon wuxuu ku dhashay degaan la yiraa Xanaan weeylood oo ku yaal inta u dhaxeeysa Qorof iyo Gallaadi oo ah dhulka Ethiopia gumeeysato.sida ay xaqiijiyeen Rag iyo dumar ay wada barbaareen oo qaarkood wada dhigan jireen dugsi Quraan. Saadaq Joon wuxuu Quraanka Kariimka ka bartay Dugsi ku yaal Xanaan Weeylood.waxaana Macalinkiisa oo u dhashay Saleebaan Habargidir gaar ahaan Bah Abgaal la dhihi jiray Sheekh Yusuf . Saadaq Joon wuxuu ku abtirsadaa Nin ay hooyadii Caasha Xuseen Faarax Harageey ilmo u dhashay oo la dhihi jiray Cumar Xasan ,waana sababta uu Passport-kiisa ugu qortay Saadaq Omar Hassan. Saadaq Joon hooyadiis , Caasha Xuseen Faarax Harageey Waxeey u dhalatay qabiilka Saleebaan Habargidir, gaar ahaan Farax, Maxamed Cabdi,Reer Muse, waxeey ka tahay juffadda Reer Qalaf. Saadaq Joon waxeey isku hooyo yihiin ilmo Cumar Xasan iyo Halyeey dhintay oo la dhihi jiray Gacameey kana tirsanaay Jabhaddii SSDF. Ninka qabay Saadaq hooyadii ee Cumar Xasan la dhihi jiray markii uu dhintay 8 sano kadib ayaa Uur lagu arkay hooyaddii , waxeey sheegtay iney dilmi jirtay oo 8 sano ka badan ku jiray uurka hooyaddii wiilkaan Saadaq Joon ee hadda taliyaha NISA ee Banaadir noqday. Wiilasha ay dhashay Saadaq Joon hooyadii ee ilma Cumar Xasan ayaa diiday inuu Saadaq Joon dhaxal la yeesho,waxeeyna dhaheen waxba nalama leh.sida ay Waagacusub u xaqiijiyeen lix ka mida Abtiyaashiis iyo dadkii ay soo wada koreen kuwaas oo codsaday inaan magacooda la xusin xaalad amaan darteed. "ilmaha hooyaddii dhashay ayaa qorsheeyay iney dilaan Saadaq Joon kadibna waxeey ku rideen Berkad laakiin nasiib xumo waa badbaaday oo waa laga soo bixiyay.waxaana ka soo bixiyay Mohamed Jamac Furux” ayuu yiri Abtigiis Cali Dahir Faarax Harageey. "Mohamed Jamac Furux ayaa Saadaq Joon dhabarka uga istaagay kadibna ka mantajiyay biyahii uu ka cabay ceelka lagu riday,wuxuu xilligaas ahaay 6 sano jir” ayuu hadalkiisa ku deray Cali Dahir. Saadaq Joon markii uu weeynaaday wuxuu istaaf u noqday Mohamud Sigane oo ka mid ahaay hogaamiye kooxeedyaddii Muqdisho kadibna wuxuu dilay nin Abtigiisa oo la dhihi jiray Xasan Geeyme Faarax Cadde , wuxuu Marxuum Geeyme u dhashay ,Saleebaan Habargidir gaar ahaan ,Reer Muse, Reer Qalaf . sida uu Waagacusub u xaqiijiyay Abdinur Ali oo ka mid ahaay goobjoogayaashii arkaayey ee ka tirsanaan jiray istaafkii Mr Sigane. "Saadaq Joon wuxuu Abtigiis Xasan Geeyme Faarax Cadde ku dilay gurigga Luul Jab dhurwaa oo aheyd Xaaska Sigane una dhalatay Saleebaan Habargidir gaar ahaan reer Faarax Rooble,waxeey hadda Luul joogtaa London Uk, waxeey aheyd Marqaati maalintii uu Xabad uu ka riday qorigga BKM wejiga uga garaacay isagoo maalintaasna Xasan Geeyme u tegay gurigga inuu shaxaad weeydiisto allaha u naxariistee Marxuum Sigane” ayuu yiri Abdinur Ali. Qoladda uu sheegto Saadaq Joon inuu ka dhashay oo ah Reer Muse ,Reer Cumar, waxeey diideen iney DIYO ka bixiyaan,waxeeyna sheegeen ineysan ninkaas shaqo ku laheeyn. Allaha u naxariistee Mohamud Mohamed Ali Sigane ayaa ka bixiyay DIYADDII INA GEEYME. "Saadaq Joon wuxuu dilay wiil uu adeer yahay Ganacsade Salaad Dhabareey oo la dhihi jiray Jeeri una dhashay Saleebaan Habargidir gaar ahaan beesha Awbakar. qorshahaas lagu dilay wiilkaas waxaa isla watay Saadaq Joon iyo wiil uu dhalay Salaad Dhabareey oo la yiraa Nur Salaad dhabareey oo hadda Sweden jooga” ayuu yiri Mohamed Gaafaa oo ka tirsan shaqaalaha Shirkadda Salaad Dhabareey ee arkaayey dilka Jeeri ,siduu u dhacay. "Nur Salad Dhabareey ayaa xaddi jiray Bakhaarka Aabahiis,wuxuu heeystay furre uu sameeystay oo Copy ah balse aan la ogeeyn ,waxaana habeenkii dambe ku qabtay Jeeri allaha u naxariistee oo ahaay ninka Ganacsade Salaad dhabareey u qaabilsanaay hantidiisa oo dhan maadama uu ahaay hanti dhoowraha Salaad Dhabareey” ayuu hadalkiisa ku deray Mohamed Gaafaa. Saadaq Joon ayaa Jeeri ku dilay Masaajidkii Oorfane lagu dili jiray ee Xaafadda Labadhagax Xamar Jadiid ee Degmadda Wardhiigleey , xilli uu ka soo baxay shaqadda. Xilligii Maxaakiimta sanadkii 1999 ilaa 2002 wuxuu Saadaq Joon darawal u noqday Dahir Xasan Guutaale IL iyo Dheg oo ka tirsanaay Midowgii Maxaakiimta. wuxuuna Sheekhaas u dhashay beesha Saleebaan Habargidir gaar ahaan Reer Muse , Reer Cumar. Saadaq Joon ayaa iskaga cararay Muqdisho kadib markii uu ka qeyb qaatay fal lagu xasuuqay arday mareeysay Isgoyska Cali Kamiin oo baabuur Caasiya saarnaay isagoo kadibna damcay inuu dilo rag hubeeysan oo lagu heeystay iney ka dambeeyeen dilka nin Taar ku lahaay Black Sea oo la dhihi Shadoor kuwaas oo ragga lagu heeystay ay ka mid ahaayeen Cali Dhootaqo iyo Cabdishakuur Madaxeey. Saadaq Joon ayaa lacag la siiyay,wuxuuna tegay Nairobi Kenya ,isagoo uga gudbay South Afrika,wuxuuna kadib halkaas ka sii galay dalka Ingiriiska isagoo ka qaatay dhalashadda dalkaas. Hadabba kadib muxuu sameeyay Saadaq joon mase taqaan Xabsiga Cadaabta Muqdisho ee Godka Jilicow wuxuu ka sameeyo ? Yuu ku dilay Galmudug ? haddase Xamar muxuu ka qabtaa ? La soco qeybta 2aad.
0 notes
cnnsomalian · 8 years ago
Photo
Tumblr media Tumblr media
KIM IYO TRUMP OO MIDBA KAN KALE KU TILMAAMAY QOF WAALAN This is the post excerpt. 22 Sebtembar 2017 Lahaanshaha sawirka EPA Kim Jong-un ayaa sheegay in maskaxda aan “fadhiyin” ee Trump ay ku qancisay in uu ku saxsan yahay hormarinta hubka dalkiisa Kuuriyada Waqooyi. War qoraal ah oo naadir ah oo uu warbaahinta sii mariyay ayuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ku sheegay in Trump ay “saamayn wayn” ka soo gaari doonto khudbaddii uu dhawaan ka jeediyay golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Mr Trump oo hadalkaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in “ninka waalan lool dhaqmi doono si uusan horay u arag”. “Kim Jong Un ee Kuuriyada Woqooyi, oo sida muuqata ah qof waalan, oo aan dan ka lahayn dadkiisa gaajeysan ama dhimanaya, waxaa loola dhaqmi doonaa si uusan horay u arak”, ayuu yiri Trump. Labadan dal ayaa bilihii u dambeeyay is waydaarsanayay dagaal afka ah oo sii kululaanayay. Maraykanka : “Awood baan u adeegsan doonaa” arrinta Kuuriyada Waqooyi Kuuriyada Waqooyi oo soo bandhigtay awoodeedda militari Donald Trump: ‘Kim Jong-un waa nin xariif ah’ Kuuriyada Waqooyi: Trump “eey ciyay kama duwana” Shiinaha ayaa ka hadlay dagaalka afka ah, wuxuuna sheegay in “xaaladda ay sii adkaaneyso, halisna ay noqotay”. “Waa in dhinacyada oo dhan ay muujiyaan deganaan, halkii ay sii wadi lahaayeen daandaansiga”, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Lu Kang. Ruushka ayaa dhankiisa u sheegay in deganaan la muujiyo. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa tilmaamay in “Moscow ay aad uga walaacsan tahay xiisadda sii huraysa”. Madaxweynaha Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in haddii Maraykanka lagu qasbo in uu is difaaco uu guud ahaanba burburin doono, Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaysay gantaallo aan baaxaddooda la sii saadaalinin. Waxayna tijaabisay nukliyeerkii Lixaad, inkastoo cambaarayn caalami ah ay ku mutaysatay arrintaas. Wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi oo horray khudbadda Trump ugu sheegay “eey ciyay” oo kale ayaa ka digay in dalkiisu uu badwayna Baasifik ku tijaabin doono ban haydarojiin ah, arrintaas oo ay kaga jawaabayaan hanjabaadda madaxweynaha Maraykanka. Wakaaladda wararka Yonhap ee Kuuriyada Waqooyi ayaa wasiirka arrimaha dibadda ka soo xigatay in “bamkan uu noqon doono kii ugu awoodda badnaa ee noociisa ah. Laakiin wuxuu intaa ku daray “in aysan ogayn ficilka ay qaadi doonaan maadaama amarka uu bixin doono hogaamiye Kim Jong-un.” https://cnnsomalichannel.wordpress.com http://m.facebook.com/CNNSOMALIAN [email protected] [email protected] Cali M Gaaboow
0 notes
cnnsomalian · 8 years ago
Link
0 notes