Tumgik
#Cidda
berberanews · 27 days
Text
Somaliland oo ku hanjabtay tallaabo inay ka qaado  cidda fulisa amarka Somali
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed ayaa sheegay inay Tallaabo la qaadayaan ciskasta oo u hoggaansanta awaamiirta ka soo baxday Somalia ee lagula dagaallamayo madaxbannaanida qaranimada Somaliland.
0 notes
abdikarem · 4 months
Text
Khaladka soo noqnoqda in
Ka badan hal Mar maaha Khalad.
Waa go'aan, waa dabeecad,
Waa cidda ay yihiin.💔⚘️
0 notes
krewe-yukii · 1 year
Text
kanni made sure to request her paid time off several months ago
she is gonna be LOST IN THE BOX and if the mirrors come out of alignment cidda can probably handle it right
1 note · View note
perfettamentechic · 3 years
Text
5 settembre … ricordiamo …
5 settembre … ricordiamo … #semprevivineiricordi #nomidaricordare #personaggiimportanti #perfettamentechic #felicementechic #lynda
2018: Igea Sonni, attrice teatrale italiana. Figlia di Corrado Sonni e di Gigliola Girola (sorella dell’attore Giulio Girola). (n. 1938) 2016: Hugh O’Brian, nome d’arte di Hugh Charles Krampe, è stato un attore cinematografico e televisivo statunitense. (n. 1925) 2015: Alan Steel, pseudonimo di Sergio Ciani, attore e culturista italiano. (n. 1931) 2012: Mario Maldesi, nome d’arte di Mario Cidda,…
Tumblr media
View On WordPress
1 note · View note
gacougnol · 6 years
Photo
Tumblr media
Alessandro Cidda Fenomeni d'Oriente - Column 2018
26 notes · View notes
superclamknighttoad · 2 years
Photo
Tumblr media
Winter in New York! The city looks so dreamy during this season! 😍🙌🏼💗 📸: [instagram.com/dylanwaalker/] (bij New York, New York) https://www.instagram.com/p/CiDDA-XIyMZ/?igshid=NGJjMDIxMWI=
0 notes
wadaadka · 2 years
Photo
Tumblr media
Dad badan ayaa ka xumaada marka shaqadooda la aqoonsan waayo oo loo sacbin waayo. Ha ka xumaan arkbkaas maxaa yeelay Ilaaha Qaadirka ah ayaa og waxaad samaysay iyo inta dadaal iyo naf hurid ah ee aad u gashay si wax badan aad u qabatid, oo mararka qaar aad naftaada khatar u gelisid. Inta badan nolosha waxaan ka xanaaqnaa waxa dhaca, gaar ahaan marka arrimuhu u socon waayaan sida qorshahaynu yahay. Waxaan illownaa cidda gacanta ku haysa umuuraheenna oo dhan oo ah Allah Subxaanahuu Wa Tacaalaa. Eebaha adduunkan abuuray waxa uu inoo hayaa qorshayaasha ugu wanagsan nolosheenna had iyo jeer, haddana marar badan ayaanu ka shakinaa arinkaas, ka xanaaqnaa oo aan bilownaa in aan wax iska waydiino sida waxa u socdaan! Xusuusnow, Allaj Qaadirku waa Qorsheeyaha ugu Fiican ee aad heysato. Ku kalsoonow isaga keliya. (at Wisil) https://www.instagram.com/p/CfRmOuKDzEI/?igshid=NGJjMDIxMWI=
0 notes
xogsidemedia · 3 years
Text
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay waxa uga Meel yaala in China maalgashado
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay waxa uga Meel yaala in China maalgashado Hargeysa (Xogside) Wasiirka wasaaradda horumarinta maalliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland ay u furan tahay maalgashi kasta, oo xataa China maal gashan karo,  ay xaq u leedahay in ay xidhiidh la samaysato cidda ay rabto. Muuqbaahiyaha laga leeyahay Taiwan ee TVBSNews, oo waraysi gaar ah ka…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
africazilla · 3 years
Text
Guddomiyaha Doorashada Dadban oo loo doortay Reer Buuhoodle
Guddomiyaha Doorashada Dadban oo loo doortay Reer Buuhoodle
Muqdisho (ElBuur)–Waxaa markale loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban Maxamed Xasan Ciro markii doorasho lu qabtay Muqdisho Axadda maanta ah.   Mr Ciro ayaa ku guuleystay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu isna helay 10 cod. Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban oo la wada sugayay cidda loo doorto ayaa waxaa u tartamayay shan…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
berberanews · 1 year
Text
Muuse Biixi "Dagaalka ciddii bilowday waxay fulinaysay siyaasaddii Argagixisada "
Hargeysa (Berberanews) – Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool iyo Cidda masuulka ka ah ee soo abaabushay dagaalkaas. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sannadeedkiisa dastuuriga ah ka jeediyey fadhi wada-jir ah oo ay isugu yimaaddeen Goleyaasha sharci-dejinta, waxa uu sheegay in dagaalka Laascaanood ku…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
fahadjoy · 4 years
Text
1.      Quruxda qanaacada gogosha waxaa qayb ka ah, in la isaga mahadceliyo.
2.      Ragga Soomaalida ah Kama faa’iidaystaan kheyraadka dalka oo ay ugu horeeyaan dumarka.
3.      Indhaha ku jeceli waxa ay kaa arkeen bay beeniyaan. Dhegaha ku necebina wax lagaa sheegay ayay aaminaan.
4.      Qofka ku jecel mar kasta waxa uu helayaa waddo uu kugula sii joogo.
5.      Dadka ugu naxariista badan qaarkoodna waa dadka ugu badan ee la dhaawaco.
6.      Mararka qaar waa adiga sababta murugadaada.
7.      Haddii aad ku caqli noqoto shahwadaada, waxa aad luminaysaa sharafkaaga.
8.      In aad qof hanataa ma qaadanayso wakhti badan marba haddii uu qofku diyaar u yahay in la kasbado, balse waxaa masuulliyad & dhowrid u baahan qofkaa shuruud la'aanta ku aamminay.
9.      Saaxiibbadaada dhabta ah waa kuwa dadka hortooda kaa difaaca adiga oo aan ogayn.
10.  Jaceylku waa udug, farxad iyo qurux aan cidina tilmaami karin, waase marka hore in uu helo dookh ku dhisan caqli iyo cilmi nooc kasta leh..
11.  Wax qabadka iyo garab istaagga, waxaa lagaa doonayaa markii ay jirto baahi lagaaga fursan waayay. Micno badan kuma dhisna, sacabba tunka guusha ka dambeeya.
12.  Dadka indhaha wax ka jeclaada waxaa ku dhex dhinta boqollaal dookh, halka kuwa qalbiga wax ka jeclaadaahi ay helaan dookh iyo dareen is wata.
13.  Inta aadan afka furan, qiimeey qofka aad ku xiiqeyso.
14.  Dikriga Allah oo uu Quraanka ugu horreeya ayaa quluubta nooleeya.
15.  Ha u murugoon arin kaa oohisey Alle ayaa ku jecel marka uu ku ibtileynaayo ee, Waxaad tiraahda Alxamdulilaah.
16.  Risqigu xoolo iyo maal kali ah ma aha laga yaabe in uu ilaahay kugu arsaaqo xaas ama sawjad ku illowsiisa dhibaatada iyo kadeedka dunidan.
17.  Mararka qaarkood kaliya uma baahnid dhago ku dhagaysto, waxaad ubaahan tahay qalbi ku fahma, ruux aad dugsato iyo garab aad ku ooydo.
18.  Badanaa dumarka ammaanta ma illaawaan, raggana abaalka.
19.  Majiro dunidan qof guul uun iska gaadha guul darro iyo samir badan kadib mooyaane.
20.  Markaad joojiso waxyaalaha qaldan, waxaad fursad siisay waxyaabaha saxda ah.
21.  Alle ha u naxariisto ruuxa sugaya ruux ka maqan,ee Raxmaankiisa u baryay is araggooda.
22.  Nin labaatan jira iyo Adduun waa legdamayaan.
23.  Hitler ba layiri dad yad u necebtahay markas bu ku jawabay kan dadkiisa iyo dalkisa ii jaajuusa igana yelo inan laayo.
24.  Horaa loo yirin 👉Baahidu waa hooyada hal abuurka.
25.  Africa laga helaa qof marka uu rabo in uu wax maqlo 👂 ookiyaalka iska siiba.
26.  Xusuusnow Asluubta dadka kula dhaqmeysid waxay matalaysaa heerka garsiisan tahay shakhsiyadaada.
27.  Gabareey Adigoo Nin iskaabulo ah oo Gaajoon Cunto u noqon karo Nin Xaasle oo dhargan Xanjo ha u noqon.
28.  Hablaha Quruxda Badan Indhaha Janay Uyihiin Jeebkana Xaaqin Bay Uyihiin.
29.  Si aad u caawiso qof ama dad dhiban, uma baahnid inaad xoog yeellato ama aad taajir noqoto, waxa kugu filan inaad tahay mid naxariista.
30.  Waxyaabah ugu daran ee qofka asiiba waxaa kamid ah inuu noqdaa mid camal(shaqo) ama jacayl la'aan ah.
31.  La-isma huri doone, yaan la-isku fogaan. 
32.  Dookhaaga oo aad la kulanto ayaa qasbaya damac sahlan rabitaan baaxadda leh.
33.  Waan kaftamayey" run aan loo bareeri karin baa ku qarsoon.
34.  U xushmee cid walba si isku mid ah adigoo u eegin mansabkoda maankooda iyo maalkooda.
35.  Waxaa isaga oo xor ah waaberiistay, qofka Eebbe weyne mooyee, aan cid kale wax ka sugayn.
36.  Diidmo cad ayaa had iyo jeer ka wanaagsan ballanqaad been-abuur ah.
37.  Hadii aad iska hadasho wax badan Waxaad ku Celinaysaa wixi aad Horay u Taqaanay keliya. Laakiin haddii aad Dhageysato, waxaad Baraneysaa wax cusub.
38.  Wejiyada Allahooda ka xishooda quruxi kama dhammaato.
39.  Adigoo Noqon Kara mid Amusan oo hadakiisa la Raadiyo, Hanoqon mid Hadalkiisa La Dhibsado.
40.  In boqol aragtiyood la keeno waxa ka adag in hal aragti la fuliyo.
41.  Habsiinta waa awood iyo nacfi noole kasta u baahan yahay.Tan lammaanahaagana, waa shidaal iyo raxmad Eebbe looga shukriyo.
42.  Waxyaabah ugu daran ee qofka asiiba waxaa kamid ah inuu noqdaa mid camal (shaqo) ama jacayl la'aan ah. 
43.  Waxkasta oo aad ka tagtaa waa uu dayacmaa quraanka mooyaane, quraanka hadii aad ka tagto adigaa dayacmaya.
44.  Waa inaad u jeclaataa qaab qofka aad jeceshahay uu xor u yahay.
45.  Ragga qowl la'aan ayaa qiimo tirta.Dumarkana qaawanaanta ayaa qiimo tirta.
46.  Hal xiriir oo xasuus leh, ayaa ka wacan kun xiriir oo xasuus leheen.
47.  Labo arrinba qofnimadaada ayey qeexaan; dulqaadkaaga kolka aadan waxba hayn, iyo dabeecaddaada markii aad wax kasta haysato.
48.  Saaxiibbada iyo dabeecadaha wanaagsan waxay ku gaarsiiyaan meel aysan lacagtu gaari karin.
49.  Dhaqmada aan lamahdin bay ka mid tahay, dad meel isugu yimid oo teleefan ku kala mashquulsan.
50.  Inanta markuu guursado wiil qabiilkoodaa waxay soo qortaa isir aan garanaayiyo abtirkaan ku raacay markuu mid aan ahayna guursadana waxay soo qortaa qabiil ma yaqaano dookhu.
51.  Haddii aad doonayso inuu Alle ku siiyo wax kasta oo aad jeceshahay, noqo mid sameeyo waxyaabaha wanaagsan uu Alle jecel yahay.
52.  Raadinta qof Ku fahmaya oo nolosha aad la wadaagto waa safarka dheer.
53.  Badanaa laba kasta oo wada socda midbaa leh gacan labaad, haddana waxa ay is lee yihiin anaa keligaa kujecel.Qof aan daacad ahayn baa raba, in daacad loo noqdo.
54.  Laga yaabee in nicmooyinka qaar haddii lagu siin lahaa aad ku halaagsami lahayd!! Alxamu dheh inta aad heysato.
55.  Shahaadadu waa uun waraaq lkn aqoonta dhabta ahi waa tan habdhaqankaaga iyo dabeecadaada ka muuqata.
56.  Qofka aad rabto hadalkiisa iyo horjooggiisaba waa kuu dawo.
57.  Saaxiibtinimada dhabta ahi waa marka ay laba saaxiibo ku kala socon karaan jihooyin iska soo horjeeda, hadana weli is garab jooga. 
58.  Waligaa ha iloowin wiilka inta gacanta ku qabtay Kaa kexeeyey ciyaalnimo kuna geeyey heer aad dareento marwonimo.
59.  Qof walba uma xiistid Aragtidiiza kaliya hal qof mooyee ilaasho qofkaga.
60.  Inta aadan u Noqon Ubadkaada Aabe Wanaagsan. Waxa ka Horeeyo in aad Xaaskada u Noqota Nin Wanaagsan.
61.  Sida aad hadaf ugu leedahay in aad wax barato, in aad guursato ama heer gaadho, uga dhigo hadaf in aad noqoto Qof wanaagsan.
62.  Aqoon kasta oo aad leedahay, haddaanu la socon akhlaaq wanaagsan oo ay dadku kaaga daydaan, aqoontaadu ma dhaafto albaabka guriga aad ku nooshahay.
63.  Inaad noqatid siyaasiga ugu saamaynta badan waxaa kaga ficn inad noqatid samefale aan la'aqoon.
64.  Qofkasta oo wanaagsan ogsoonow dad ayuu dhankooda ka xun yahay, kana yahay mid liita.
65.  Qofkasta oo xuna dad ayuu dhankooda ka yahay mid wanaagsan oo mudnaanta koowaad leh.
66.  Quruxda haweenaydu waxay soconeysaa ilaa inta ninku jecel yahay, Jaceylka ninkuna wuxuu soconayaa ilaa inta ay haweenaydu xushmeyneyso.
67.  Gabadhaada u guuri Nin diin u saaxiib ah haddii uu jeclaado wuu karaamayn haddii uu nacana dulmin maayo.
68.  Umaayeey 🍦jalaato maxa laga sameeyay gabartee dhaxan aruurtay le maahino.
69.  Haddii aad doonayso inuu Alle ku siiyo wax kasta oo aad jeceshahay, noqo mid sameeyo waxyaabaha wanaagsan uu Alle jecel yahay.
70.  Kolka wax aad maqashay iyo wax aad aragtay is lahaan waayaan, indhahaaga aammin.
71.  Ma jiro wax ka qurux badan qof arkay dhammaan ceebahaaga oo haddana weli ku jecel kuguna kalsoon.
72.  Dadku waa qof kuu maqan, iyo qof kaa maqan, iyo qof kugu maqan. Qof iska maqani ma jiro.
73.  Noqo qof markey dadka arkaan ay dhahaan aduunka wali qeyr Kama dhamaan.
74.  Wehlinta aad wehliso lamaanahaaga Ma ahan abaal aad ku galeeyso ee Waa astaan muujineysa inaad ku Qanacsantahay.
75.  Qofka aad rabto inaad nolosha la wadaagto qofnimadiisa dhabta ah waxaad ogaan kartaa uun markaad guursato eed maalmo iyo habeenno badan la dhaqanto, inta kale waa iska male iyo filasho la buun buuniyey.
76.  Dadka Qaar Inay Noloshaada ka baxaan Waxaa Laga yaabaa Inayba Tahy Naxariis Xag alle kaaga timid Mana fahmeysid illaa Waqti dambe Ma ahane.
77.  Xantu aarzi malehee afkaga mazuul ka noqo.
78.  Walaalka waa Kan aad wax isku tartaan ee ma ahan Kan aad isku reerka tihiin.
79.  Hal gacan oo ku saacidda ayaa ka qiimo badan Ag taada, Kun gacmood oo ku salaama malinta aad gulaysato.
80.  Waa lakala qofnimo iyo qalbi fiican yahay, ee lama kala qolo iyo qabiil fiicna.
81.  U dhibtoow si'aad qofkale dhibta ugu saartid, laakiin qofna ha udhibaatayn marna si'aad adiga dhibta ugu baxdid.
82.  Waxa kaliya ee khaaska kuu ahi ha ahaadeen noloshaada. Waa mid aad adigu leedahay, dhibkeedu adiga ku dhibayo, dheefteeduna adiga wax kuu tahay.
83.  Way habboontahay in aad wax siiso qof baahidiisa kuu sheegtay, balse waxaa kasii wanaagsan inaad wax siiso qof aad baahidiisa ogtahay.
84.  Waxaad guuldareysatay markaad joojisid isku daygaaga.
85.  Ma cidloodo qalbi Allah ku xiran mana qoomameeyo qalbi saaxibkisu yahay qur, aanka.
86.  Awood uma lihid inaad bedesho muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan, laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.
87.  Aroos joogaha maanta waa aroosaaga berri.
88.  Barako ayaa u sugnaatay bahda jacaylka isku hantay.
89.  Jaceylka, Diinta, Waddaniyadda iyo Qabyaaladduba waa dareemmo ruuxi ah oo jiheeya hab fikirka qofka aadanaha ah.
90.  Waxa saxan ayaa mar kasta ka muhiimsan cidda saxan.
91.  Hadii macaadinta iyo shidaalku yihiin qeyraadka dhulka hoostiisa laga helo ubadkuna waa qeyraadka dhulka korkiisa laga helo.
92.  Dhaqan Kaaga Oo Suuban Adigoon Hadlin Buu Kuu Hadlaaa.
93.  Sida aad doonto u qurux-badnow, haddii ay dadnimadaadu arag xuntahay waa aad arag xuntahay.
94.  Waliga haku qoslin xaaskaga choiceskeeda, Sababtana waxee tahay adaaba ka mid ah choices kaas.
95.  Daacadnimada iyo runta waxaa laga yaabaa inaad ku kasbanin dad badan, laakiin waxay ku siin doonaan dadka ugu wanaagsan inkasta oo ay yar yihiin.
96.  Kuma Khasbanid Inaad Qof Walba Ka Farxiso Waxaase Waajib kugu ah inaadan Qofna dhibin.
97.  Hanashada qofka waxey ku xiran tahay hadba sida u qofka ku daneynaayo. 
98.  Hadii uu cirka xidigo leeyahay dhulka xidigiisu waa dumarka.
99.  Inaad waanaajiso qof ku wanaajiyay taasi waa caadi oo qofwalba baa sameyn Kara Lkn inaad wanaajiso qof ku xumeeyay taasi dad yar baa sameyn Kara.
100. Waligaa haka xeran afkaaga qof aad mar hore u furtay laabtaada.
101. Rag diidmaa u daran, dumarna dayac.
102. Cadawga ugu wayn ay aqoontu leedahay ma ahan jaahilnimada, waa aqoon ismoodsiiska. 
103. Ha dilinina libaaxyada dalkiina si aysan idiin cunin eyda cadawgiinu
104. Dhar baaxada aan ku jabin waxeey kuu yeesha awood balaaran.
105. Ogoow qofkii aad waqtigaaga u hurtid, waxaad u hibeysay saami noloshaada ka mid ah oo aan dib kuugu soo noqon doonin.
106. Labo marba waa xanuun jacaylka, marka aad jeclaato qof aan ku jeclayn iyo marka uu ku jecel yahay qof aadan jeclayn.
107. Qof walba dabeecadaha iyo hab-dhaanka uu bulshada kula joogo, inta badan waxay toos uga turjumayaan, qoyska uu ka soo jeedo iyo guriga uu ku soo barbaaray.
108. Dadka laba mar ayaa aad is barataan, marka koowaad oo aad wadahadashaan iyo marka labaad oo aad wada dhaqan taan.
109. Dhalasho Wacan Markan Lee Nahay taas micnaheedu waa sanad baan Xawaasha u dhawaadey taasi ma wax lagu farxaa?
110. Dulqaadku waa geed qaraar oo soo saara Miro macaan.
111. Hadlku wax tar malh hade Dadku Fahmeyn.
112. Raggu waa hanti qaran iyo hub la isku daafaco.
113. Ruuxa hoo u baahani hadal deeqi maayo.
114. Sida aad hada walidkaa ku tahay ayay caruurtada kugu noqonayan ha dhaw.
115. Kuligeen ma lihin hibooyin isku mid ah, laakiin kuligeen waxaan haysanaa fursado isku mid ah oo aan ku hormarino hibooyinkeena.
116. Wax walba waan aqaannaada waa lagu sharaf beelaa.
117. Waddaniyadda macneheedu waa in aad waddankaaga la safato. Balse ma aha in aad la safato madaxweynaha ama masuul kale oo dowladeed.
118. Kadhig qofkii ku arkaba mid u duceeya ciddii ku soo barbaarisay.
119. Dumar waxaa u daran wax la baray oo bar lagala haro.
120. Sida ay Lugahaagu raad ugu reebayaan dhulka, ayuu hadalkaaguna raad uga tegayaa qalbiga dadka.
121. Xanuunka dhabta ahi wa af qozla io qalbi ooya.
122. Dadka isxaan u samey siduu Eebe adiga kugu isxaan falay.
123. Wax-kasta oo dunida yaal haddii ay qiimo beelaan, qiimaha hooyada waa midka keliya aanan marna hoos u dheceyn.
124. Dadka ku abaaldhaca gacantii soo quudisay, waxay aakhirka dhunkadaan kabaha cadawgooda. 
125. Nin kasta wuu awoodaa inuu gabadh guursado oo uu carruur dhalo, laakiin nin kasta ma awoodo inuu xaaskiisa iyo carruurtiisa Mas'uuliyaddooda qaado Aabbenimo macnaheedu ma aha Hebal carruur buu dhalay oo kaliya.
126. Waa gaari dowladed naag ninqabo hora lohantiye waqtiga haizaga lumin 20 jir kuu kali gaa ah dunida waa ka hele.
127. Qof kasta inta aad rabto ayuu Fariid yahay, Qurux badan yahay, xushmad badan yahay, oo Garasho Leeyahay. Maalinta ay niyadaadu ka jeedsatana ayuu Nacasnimo, Foolxumo iyo akhlaaqdaro meel ay ka timid aadan ogayn ayuu lasoo baxaa Alla marka la is rabo nolosha qurux badnaa.
128. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
129. Dumar hanti u yeelo foolxumo kugu nici maayaane.
130. Ha ku faanin qaabka aad tahay, waayo adigu maadan abuurin qaabkaaga,
131. Nasabkaaga ama reerka aad tahay ha ku faanin, waayo adigu maadan dooran
132. Ninka naftiisa ka guuleysta ayaa ka awood badan nin goob dagaal uga guuleystay kumannaan rag ah.
133. Ogoow halganka aad maanta ku jirto, wuxuu horumarinayaa awoodda aad berri u baahan tahay.
134. Qofkii aztura ceebaha walaalkiiz, Ilaah baa ceebihiiza aztura maalinta Qiyaamaha.
135. Waa wax laga xumaado markii qof aad taqaan uu noqdo qof aad aqoonin.
136. Waxa Aad Ku Daasho Waa Loo Soo Nastaa Ee Lagama Wada Tago.
137. Maalin kasta o ay qorax kuso baxda ogow iney tahay deeq xaga ALLE kaaga timid ee kaga faideysa cibaada iyo camal wanaagsan.
138. Rabi wuxuu dadka ugu jecelyahay Midka dadka Anfaca.
139. Dadka dunida waxaad la noqon kartaa hal qof; laakiin hal qof baad adduun u noqon kartaa.
140. Dheeftu ma ahaato ilaa dhibka gadaashi mooye waa sida guushuna.
141. Waligaa isha haku hayn wax uu qof kale leeyahay, si aad u nacdo wixii aad adigu laheyd.
142. In aad tahay qof lagu kalsoon yahay, waa nimco wayn, kana wanaagsan in aad tahay qof la jecelyahay oo kaliya.
143. Caradu (xanaaqu) waa waali kumeel-gaar ah.
144. Fazhilku maaha cakziga/Lidka guuzha, laakiin waa qeyb kamida guuzha!
145. Dulqaadka aad muujizo hal xilli oo aad careyzan tahay, wuxuu kaa badbaadiyaa xilliyo badan oo zhallaayto ah.
146. Qof qalbiga indhool ka ah indhihiiza waxba ma taraan.
147. Dadka qaar anaga ma ziino Boozazka ay Qalbiyadeena ku leeyihin, balze Hab dhaqankooda ayee ku helaan.
148. Hadii aad Jeceshahay labo qof waxaad doorataa kan labaad, Waayo hadii aad si sax ah u jeceshahay kan kowaad qof labaad ma aadan doonteen.
149. Haddii aadan noqon karin qoraa bulshadiisa anfaca, ugu yaraan noqo akhriste naftiisa anfaca. 
150. Sida ileyska u iftiimiyo guriga ayaa uu jacaylkuna qalbiga u daaraa shumac aan dabeeshu damin.
151. Dadka ugu badan farxadda iyo badhaadhada ku nooli waa dadka eega waxa ay haystaan, balse aan eegin waxa dadka kale gacantooda ku jira.
152. Maxa ka Qurux badan diin dhoola cadeenta ajar lagu helayo.
153. Hadal oo kaliya markaad dareento in ereyadaada ay ka wanaagzan yihiin aamuznaantaada.
154. Adaabta tan ugu sarraysa waa inaad dhageysato Qof kuu sharxaya wax aad si wacan u garanayso balse isagu uu mooggan yahay.
155. Hadafkeenna iyo riyooyinkeennu waxay mudan yihiin halgan kazta.
156. Doqon qorzhe leh ayaa ka awood badan geezi qorzhe la'aan ah.
157. Zi aad u noqoto tuzaale lagu daydo, walaal u noqo dadka kale.
158. Barazhada qofka waxaa kaaga filan habdhaqankiiza, cidna ha ku qiimeyn hadalladooda; dadku wey iz cajabiyaan kolka ay hadlayaan.
159. Ha u Caabudin Eebe inuu wax ku ziiyo, ee u Caabud inuu kaa Raali noqdo, Haddii uu kaa Raali Noqdana Waxaad zi Durdur ah U Heleyzaa ziizmadiiza.
160. Ceeb ma ahan in ad kufto.Waxa ceb ah mezha ad Ku kuftay in ad ka kici waydo.
161. Qofka salaadda kugula taliyaa, waa ka dadka kuugu jecel.
162. Dadka waxaa ugu dhaawac badan kuwo naxariizta badan,
163. Qofna ha xukumin (go'aan haka gaarin) adigoon duruufaha hayzta zifiican u ogaan.
164. Dhalinyarteena waxa ay rabaan in ay u noolaadaan zidii reer Galbeedka, una dhintaan zidii zaxaabbada.
165. Qof walbo oo wanaagzan ee aad aragto waa Qof u dhow Eebe Dadkana zi wanagzan ula dhaqma
166. Taariikhda markii duzha laga eegayo waa war uun, balze waxaa ku hooz qarzoon xaqqiiqooyin iyo cibra qaadazho
167. Aqoonta laga faa'iiday waa tan beddezhay hab fikirkaaga, dhaqankaaga, dabcigaaga iyo wax zoo zaarka mazkaxdaada, ma aha tan beddezhay muuqaalkaaga iyo labizkaaga.
168. Dumarka waxaa ugu khair badan midda marka aad miliczato ku farxad gelizo, marka aad amarto ku adeecdo, marka aad ka maqan tahay kuu xifdizo maalkaaga iyo nafteeda.
169. Quruxda kaliya ee maanta aduunka korkisa saarani waa dumarka.
170. Ninka ragga ah ma jeclaado kumannaan gabdhood, laakiin kumannaan ujeeddo ayuu ku jeclaadaa gabar kaligeed ah.
171. Quruxda jirka ee dumarka waxay damac galisaa ragga kuwooda ugu liita, quruxda caqliga ee dumarkana waxay damac galisaa ragga kuwooda ugu caqliga badan.
172. Dadka qaarkii marnaba ma lunto quruxdooda si kasta oo ay u weynaadaan, da'na ugu darsanto, sababtoo ah quruxdoodu marnaba ma ahayn wejiga, waxay ahayd Qalbiga.
173. Hadii aad aragto dadka oo aad cajabgalisay, ogoow waxey arkeen quruxda ilaaheey kaa muujiyey.lkn ma oga ceebaha uu ilaheey kuu qariyey.Ilaahey u mahadnaq.
174. qof ka kaliya ee dumarku Aamus ku yiraahdo ee ka Aamuzaan waa zwr qaadaha
175. Nin ku yidhi sinaan mayno Adna diid sareyntiisa.
176. Intuu maanku gaajezanyhy guuli waa wali.
177. Wajiga qurux diiza indhaha ma dhaafto blze hdlka wanagzn macaankiiza qalbiga ayuu garaa.
178. Naag Nina zhukaanzado loogama haro ee nina qaba looga hada war mood xaqada dhaczo.
179. Quuzte waligiiz ma guuleezto guldoona waligiiz ma quuzto.
180. Hadaladda qaar waa in caqliga la soo mariya.
181. Quruxda dhabta ahi waa cilmiga iyo adaabta aan leenahay.”
182. Wadamada reer galbeedka waxay sameeyaan Dadkooda Fashilka Way Gacan-qabtaan ilaa uu meel sare ka gaadho.
183. Khaladka iska nac balse ha nicin qofki sameeyay.
184. Cakuyee hadaadan ii muuqan zidee u noladaa?
185. Waxkasta waxa ay dhadhan iyo macno ku yeeshaan wada qaybsiga, gaar ahaan nolosha iyo jacaylka.
186. Wax walba oo aad badsato dhibkoodey leeyihiin, in aad miisaan leedahay waa muhiim.
187. Haddii aan kaa xanaaqo i raalligali haddii aad i ga xanaaqdana aniga ayaa ku raalligalinaya. Haddii aynaan sidaas samayn, waxa fududaan doonta in aanu kala tagno, gurigeennuna, si fudud u burburo.
188. Hablo badan baa ku guur la’ armuu ninku berri kula guursadaa.
189. Rag badan baa ku guur la’ armeey kugu xumaataa oo aad ku xoolo beeshaa.
190. Ragga iyo dumarka aan guursan waxa ay la mid yihiin, middi gal la'aan ah iyo haan Saab la'aan ah.
191. Ragga iyo haweenkuba Midna haybad ma yeesheen Kan kaloo la haynine.Alle isku kiin uummaye, isku fura kashiinna.
192. Jaceylka dhabta ah ee aanan marnaba laga xiiso dhicin waa, midka aad qofka ku jeclaato shakhsiyaddiisa iyo dabeecadihiisa.
193. Dumar waa iska ilaali, iskuna ilaali.
194. U barbaari jacaylka sida ubadkaaga oo kale, Adiga oo ka jira dhammaan waxa dhibta u keeni Kara.
195. Maxaa ka xanuun badan in aad qalbigaaga ka wayso xasuus macaan oo aad dugsato.
196. Ha u lebbisan hana u noolaan in aad qof kale cajab-geliso. Waxaaba laga yaabaa in aysan cajab-gelin lebbiskaagu.
197. Qofna haku baryin naftaada, hana ka baryin niyaddiisa, ee bar qiimaha ay naftaada u lee dahay noloshiisa.”
198. Guurku ma aha isbiimeey, waa ku biirin noloshaada qurxoon naf kale, si aad baraare iyo barwaaqo ugu noolaato.
199. Haddii aad ku nacdid gacan marnashihiisa, qalbi baa ku jeclaan doono qofnimadiisa.
200. Quruxda guurka kuma koobna kaliya bisha malabka ama bilaha hore, ee waa dareen iyo miisaaniyad u baahan in la cusboonaysiiyo mar walba, si uu san u duugoobin xiriirka nolosha ugu macaan.
201. Caafimaadkaaga haddii aad rabto, qof kaa qaban waayay telkaaga 📞 haka wicin ku kale.
202. Ragga qaar jirkaaga ayey rabaan, dumarka qaarna jeebkaaga.
203. Arsaaqda Allaa hayee Afarraysta walaallayaal.
204. Ragga jacaylka waa lagu shubtaa, dumarkana waa laga shubtaa.
205. Xaas aan minyaro laheyn waa dowlad aan xisbi ka soo horjeedo oo mucaarad ah laheyn, Keligii taliye (Dictator) ma ahaan karo waa inaay democracy -yar jirtaa.
206. Dumar kasbashadooda waa hadal iyo hoo macaan.
207. Guurku waa qaarka dambe janno la gal.
208. Mararka qaar qof kaa fog ayaa kaaga wehel badan qof kuu dhaw, sababta iyo sirtuna waa saamaynta uu ku lee yahay/dahay qalbigaaga.
209. Qanaacadu maaha in naftaadu kugu qasabto wax aadan u qalmin, adiga oo iyada qancinaya.
210. Reerkasta oo dhisani waxa uu ku taagan yahay samir, ixtiraam, jacayl, hibayn iyo tanaasul, haddii intaa la waayo farxad iyo wada joogis ma sii jiri doonto. 
211. Bini-aadamku weligii gorgortan geli maayo.
212. Shayga ugu murugada badan nolosha waa inaad aragto qofka aad jeceshahay, oo ku faraxsan qof kale.
213. RasulAllah ﷺ wuxuu yiri: - Midkiinu waa kan ugu wanaagsan naagtiisa.
214. Farxad jcl iyo murug caashaq wa is daba guur gurtaan.
215. Iyadoo 18 jir ah ayey wexeey thy garoob hooyadeed oo 60 jir ahna waa la qabaah markazey ku ledahy edabzan zidi hooyadeed.
216. Gabar lambar been ah wiil ziizo waala waayay zidey u bilawdeen barnaamijka lacg izukugu dirizta taleefonka.
217. Qof aadan weligaa la kulanin ayaa weli la yaaban waxa ay noqon doonto in la ogaado qof adiga oo kale ah.
218. Way adagtahay in qof la jeclaado halkii laga fogaan lahaa.
219. Guushu waxay u dhowdahay kuwa dadaalkoodu adag yahay oo daacad ah.
220. Mabaddali kartid wixii horey udhacey, markaa ha ku lumin waqtigaaga inaad ka fakarto.
221. Ka taxaddar cidda aad xusuus ku sameyso. Waxyaalahaas oo dhan waxay socon karaan cimrigooda oo dhan.
222. Qofna qof kuu jclyahay kama tago. 
223. Ku xamdiyay ilaahi xukumay xuluzhadada
224. Howl aad fadhiga kudhamee karto Loma zara kaco.
225. mhmh turki👉iizheeg sxbka aan kuzheege.
226. Maalin aad sida libaaxa u noolaato ayaa ka wanaag badan boqol sano oo aad sida gorayada u noolaato.
227. Immisuu lacag iyo hanti ururiyey nin aan calfanayn, immisaa qof cunay xoolo iyo hanti aanu ururin.
228. Haddii aad caado ka dhigato in aad ka carooto wax kasta oo ku raalli gelin waaya, abidkaa nolosha ku xasili maysid. 
229. Qaraabada iyo ehelka cunto iyo cabbitaan la wadaag, laakiin abidkaa shaqo ha la wadaagin. 
230. Sirta noloshu ma’aha in aad samayso waxa aad jeceshay, balse waa in aad jeceshay waxa aad qabanayso.
231. Qofka oo naftiisa ka hela, qabkiisana ku qancaa waa tilmaamta liidashada lagu garto.
232. Ma jirto cid markasta Mashquul ah kaliya waxey ku xeran tahay Muhiimada Liiska aad qofkaasi ugu jirto.
233. Ma dhimaneysid haddii aad waydo qof aad jaceshahay Laakiin waxaad dhimaday marka aad waydo sharaftaada.
234. Ha jeclaan qof aan Ilaahay SW jeclayn. Haddii ay ka fogaan karaan Ilaahay adna way kaa fogaan doonaan.
235. Raali gelintu waa sifo dhif ah oo laga helo kuwa daacadda ah oo keliya.
236. Shimbirta iyo Mallaayguba waa ay is jeclaan karaan; balse ma wada dhisan karaan hooy, ay ku wada noolaadaan.
237. Ragga qaar waxa ay jecel yihiin in ay guursadaan gabar aan looga horrayn, iyaga oo galaaftay hablo badan hantidoodii gabarnimo.
238. In aad qof jeclaato waa doorasho keliya, balse in adiga lagu jeclaado, runtii waa nasiib, fursad, kalgaceyl, raxmad, hiil, garab iyo farxad wada jira. Haddiise aad labadiinnuba is jeclaataan, taasu waa hadiyad aad gaar ah ee uu Eebbe idiin hibeeyay.
239. Waxaa jirta xikmad reer Ciraaq ay caan ku yihiin oo ah, “Akhristaha wax ma xado, tuugguna wax ma akhriyo.
0 notes
krewe-yukii · 2 years
Note
*holds open the floodgates to let all the info out*
HEY!!!!! What's the differences between our space and tyrian space? Also, what advancements in space study have been/are being achieved by your krewe?
@mystery-salad
deep breath
ok so, there's one MAJOR difference here: Tyrian stars have completely different life cycles, and are legitimately useful for augury.
Firstly, the night sky evolves much, much faster than it does in real life, and that's why constellations are all named in modern language. There's no "Cuspis" but there is a "Siege Devourer," and I posit that this is because the stars change position (or existence status) relatively quickly, so ancient constellations simply don't exist anymore. I feel justified in saying this, mostly due to the fact that Elder Dragons form new stars when they appear, and also it's just really odd to not have any Old Names for constellations.
For the second point, the Canthans in GW1 did divination with the positions of the stars (and planets, see note below), as did the Jotunn, and some Norn culture as well (if memory serves).
Tyria does, in fact, have an inclined axis of rotation. The different lengths of day and night in core maps, combined with the equal lengths in Cantha, imply this directly.
There are other planets (almost certainly discovered by the Jotunn before their fall, given the massive telescope found in the Jotunn path in Arah).
Tumblr media
The following are pure headcanon with zero base in canon, though it's all perfectly compatible.
Tyria has two moons, the large one we see in-game being named Tungl and a much smaller, nearly too-dark-to-see named Flakkari.
The sun is named Ljos, but is near-identical to Earth's Sol.
Current S.P.A.C.E. Krewe projects:
Our optical observatory is quite good due to Kanni's optical expertise and Cidda's specialty in high-detail photography, so we'll have good imagery of those other planets I mentioned, and I'll have an excuse to build up the entire Ljosian system.
Yukii is pioneering the field of radio astronomy (my real-life job), and Leppa is currently using that equipment to perform a survey of deep sky objects. There's some weird stuff out there in real life, and who knows what she'll find in this universe?
Nixxi and Takka are working on launch vehicles to officially start the space exploration process. Satellites fitted with optical cameras and other sensors will revolutionize cartography, geology, and navigation, once we get the rockets working.
Kovvi's current project involves extreme-range wireless data transmission, including images and live voice. This will initially be used in conjunction with the satellites, but will eventually result in things like long-range encrypted communication devices becoming much cheaper to produce.
There's lots I'm forgetting but it'll come up eventually I'm sure 😅 Thank you so much for asking about this aa
16 notes · View notes
perfettamentechic · 2 years
Text
5 settembre … ricordiamo …
5 settembre … ricordiamo … #semprevivineiricordi #nomidaricordare #personaggiimportanti #perfettamentechic
2021: Sarah Harding, Sarah Nicole Harding, cantante, attrice e modella britannica. Prima di diventare famosa insieme alle quattro componenti del gruppo musicale pop delle Girls Aloud nel 2002 ha prestato la voce per un progetto musicale chiamato Project G. Partecipava anche a serate karaoke nei locali della sua città e parallelamente svolgeva l’attività di modella. Nel 2002 partecipa al reality…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
sanremista-dal51 · 4 years
Photo
Tumblr media
Per amare devi andare Verso il sole che c’è in te Quante volte ho chiesto verità Quanti volti nell’oscurità Vita che non sempre è poesia Nei silenzi urlati per la via Come gufi a mezzanotte Là sui monti di cemento Come anime perdute Nell’immensità del tempo Pioggia di emozioni su di noi Densi di pensieri gli occhi tuoi Senti come graffia la città L’uno contro l’altro la realtà Che grida Per amare devi andare Verso il sole che c’è in te Per amare devi andare Verso il sole che c’è in te Sempre in libertà Sempre in libertà Sempre in libertà Nasce dopo il canto del dolore L’alba di un amore che vivrà Apri come petali di un fiore L’era di un domani che sarà Nel rispetto dell’amore Mentre cambia ad ogni età Nel mistero delle ore Nella gioia che verrà E grida Per amare devi andare Verso il sole che c’è in te Per amare devi andare Verso il sole che c’è in te Sempre in libertà Sempre in libertà Sempre in libertà Sempre in libertà Sempre in libertà. (Albano Carrisi e Valentina Cidda) #sanremo #sanremo47 #sanremo97 #sanremo1997 #festivaldisanremo Brano: Verso il sole Immagine: Deer Shelter Skyspace - James Turrell - 2006 https://www.instagram.com/p/B_nCKOAFwbp/?igshid=1grlhhc17808e
0 notes
wadaadka · 2 years
Photo
Tumblr media
Qof kastaa ma qadarin doono mana kaaga mahad celin doono waxaad u qabato iyaga. Ha niyad jabin sababtoo ah waxaa jira dad badan oo aan mahadin celinta aqoonin. Kaliya waa inaad ogaataa cidda ku habboon dadaalkaaga iyo cidda kale ee kaa faa'iidaysanaysa. Ku bixi energy-gaada iyo tamartaada kuwa muhiimka kuu ah. (at Cadaado, Galguduud, Somalia) https://www.instagram.com/p/CeslX14jtpk/?igshid=NGJjMDIxMWI=
0 notes
xogsidemedia · 3 years
Text
Somaliland oo sheegtay in aanu Shiinuhu u yeedhin karin Cidda ay Cilaaqaadka la yeelanayaan
Somaliland oo sheegtay in aanu Shiinuhu u yeedhin karin Cidda ay Cilaaqaadka la yeelanayaan Hargeysa (Xogside)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in aanay dawladda Shiinuhu u yeedhin karin dalkiisa cidda ay la yeelanayaan xidhiidh diblomaasiyadeed maadaama oo JSL tahay dal madax-bannaan. Wasiirka Arrimaha dibadda…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes