Tumgik
#socdaal
berberanews · 1 year
Text
Maraykanka oo 100 milyan oo dollar ugu yaboohay dalal Afrika ah
Ghana-(bbc)-Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 100 milyan oo dollar oo lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada rabshadaha wata ee gobolka. Waddamada xeebaha galbeedka Afrika ee Ghana, Benin, Ivory Coast iyo Togo ayaa ka faa’iidaysan doona xirmadan. Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamaal Harris oo ku sugan dalka Ghana oo ay socdaal ku…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
adalmedia · 2 years
Text
Waxay uu ahaa socdaal guul ama geeri ah, waxay kor uqaadeen shumacii qaaradda Africa, waxay yidhaahdeen annagu waxaanu nahay astaantii Qaardda, waxaanu nahay kuwii diiday inaanu ujabno kuwa isu arka kabiirada
0 notes
haldoornews1 · 2 years
Text
Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Wadani oo Ceerigaabo Gaadhay ayaa soo dhawayn loo sameeyey.+Sawiro
Ceerigaabo 3-Nov-2022 Khamiis -(Haldoor News):- Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Wadani iyo Gudoomiyaha Xisbigaasi ayaa Socdaal ku tegay magaalada Ceerigaabo. Gudoomiyaha iyo Musharaxa oo soo dhawayn kala kulmay Bulshada magaalada Ceerigaabo ayaa Khudbado halkaasi uga jeediyey. Musharax Ciro oo isagu hadlay ayaa waxaa uu yidhi Sidan. “Muuse Biixi sifo sharci ah ayuu ku noqday Madaxweyne, sharci…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
socdaal · 7 years
Photo
Tumblr media
Little Edna #portrait #familyphotography #canon7d #fallphotoshoot #cute #editorialphotography #model #kidmodel #cbus #614 #OHphotographer #socdaal #nomadicfaces #miloartstudio #edna #columbusmodel #photography (at Socdaal Photography - Fatah Muse)
2 notes · View notes
saxafimedianetwork · 6 years
Photo
Tumblr media
Xogo Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Socdaal Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia Ku Tegay Addis Ababa
0 notes
tayosamenews · 6 years
Text
Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaalkiisii Gobolada Dalka Ku Soo Afjaraya Degmada Hobyo
#Madaxweyne #Farmaajo Oo #Socdaalkiisii #Gobolada #Dalka Ku Soo #Afjaraya #Degmada #Hobyo
Hobyo (Tayosame News) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo labo todobaad socdaal ku marayay gobolada dalka ee Soomaaliya ayaa la filayaa in socdaalkiisa uu ku soo afjaro magaalo xeebeedka Hobyo, halkaasoo ay ka socoto qaban qaabada lagu soo dhoweynayo.
Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabanaya magaalada Cadaado, isagoo la kulmaya waxgaradka iyo odayaasha reer Cadaado oo cabasho…
View On WordPress
0 notes
xogsidemedia · 2 years
Text
Guddida abaaraha ee gobolka Saaxil oo ka warbixiyay xaaladda abaarta ee gobolkaasi
Guddida abaaraha ee gobolka Saaxil oo ka warbixiyay xaaladda abaarta ee gobolkaasi Berbera (Xogside)  Guddida abaaraha ee gobolka Saaxil oo mudo laba maalmood ah socdaal qiimayn ah ugu maqnaa deegaanada gobolka Saaxil ayaa ka warbixyay xaalada abaareed ee guud ahaan gobolka. Gudida abaaraha gobolka Saaxil ayaa sheegay in deegaanka gobolka ay ka jirto abaar baahsan iyo biyo la aan waxaanay intaa…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
saananeeti · 3 years
Text
Madaxweynaha hirshabeele oo doon ku maray deegaanada uu ku fatahay webiga shabeele

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  maanta socdaal kormeer ku tagay Tuulada Baarey oo dhowaan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle. Madaxweynaha oo kormeerkiisa ay ku wehliyeen Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa indha indheeyay goobta uu fatahaada ka sameeyay Wabiga oo howlo lagu xirayo ay ka socoto. Madaxweynaha ayaa sheegay in fatahaadaha ay…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
codkasomaliland · 3 years
Text
Laascaanood: Hablo loo Carbinaayo Shaqo Qaran

Guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Sool ayaa maanta magaalada Laascaanood ka bilaabay sidii hablaha gobolkaas uga qab’galaaya dufcadda saddexaad ee shaqo qaran ay u bilaabi lahaayeen tabobarka barnaamijkaas. Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Mu’addinka ayaa ardaydaas u sheegay inuu yahay mid lagu  lagu qorshaynaayo sidii ardaydaasi hablaha ahi…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
warganenews · 5 years
Photo
Tumblr media
#Guddoomiyaha Xisbiga #Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo Qaaradda Yurub Ka Bilaabi-doona Socdaal La #Magac-baxay,"Socdaalkii Midnimada #Qurbo_joogta" Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo Qaaradda Yurub Ka Bilaabi-doona Socdaal La Magac-baxay,"Socdaalkii Midnimada Qurbo-joogta" Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maalmaha Soo socda safar ku tagi-doona wadamo ka mid ah qaaradda Yurub.
0 notes
berberanews · 1 year
Text
Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Laascaanood oo uu ka soo laabtay iyo Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka warbixiyey natiijada Socdaal uu maalmihii u dambeeyey ugu maqnaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
youtube
View On WordPress
0 notes
calisuxufi · 5 years
Text
Tumblr media Tumblr media
War-Murtiyeedka Shirka Hobyo HG
Shirka Nabadda Hobyo waxey qabanqaabadiisu ka soo bilaabatay magaalada Muqdisho muddo sanad ah ka hor, waxaa saldhig u ahaa kulamo taxane ah oo lala yeeshay wasiirada xukuumadda federaalka, xildhibaanada labada aqal ee Barlamaanka Federaalka ah, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo ganacsatada beesha Habargidir, ayagoo sidoo kale guddiga qabanqaabadu socdaal wadatashi ku soo kala bixiyey deegaamada beeshu degto ee Galmudug sida Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo Hobyo halkaas oo ay kula soo kulmeen madaxda dawlad-goboleedka Galmudug u sarraysa, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.
Wadatashigaas mudada sanadka ah socday ka dib waxaa waxgaradka kala duwan ee beesha Habargidir isku waafaqeen baahida loo qabo qabashada shirweyne beeshu ay yeelato oo bilow u noqda soo afjaridda colaadihii ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dhexmaray beelaha Soomaaliyeed iyo dhab u heshiisiin ka timaada ayaga dhexdooda, waxaana loo asteeyey in shirkaas uu ka dhaco magaalada qadiimiga ee Hobyo taariikh 15 July 2019.
UJEEDADA SHIRKA NABADDA HOBYO
1. In Beelaha Habragidir ay turxaan-bixiyaan, kana heshiiyaan tabashooyinka dhexdooda ka jira isna cafiyaan.
2. In ay dhistaan Gole Hogaamineed oo taladoodu ay ku midaysan tahay.
3. In kaalinta ugu haboon ay beeshu ka qaadato nabadaytna, dhab ula heshiinta beelaha Soomaaliyeed ee kale iyo ka qeybgqaadashada dib u xaqiijinta qarannimada Soomaaliyeed oo beeshani ay weligood kaalin hormuudnimo ka qaadan jirtay.
MARXALADAHA SHIRKA NABADDA HOBYO UU SOO MARAY
Shirka Hobyo mudadii 50-ka maalmood ahayd ee uu socday waxaa si isdaba joog ah u imaanayey ergooyin iyo wufuud dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ka kala socdey kuwaasoo tiradoodu ay kor u dhaaftey 2000 oo qof.
Marxaladaha shirka Nabadda Hobyo uu soo marey waxaa ka mid ahaa; furitaankii shirka iyo diyaarinta ergooyinka rasmiga ah ee ka qeybgaleyey shirka. Iscafinta iyo adkaynta midnimada beelaha Habargidir, iyo diyaarinta iyo ansixinta xeerka golaha Hoggaaminta Habargidir iyo dhismaha golahaas oo tiradiisu gaarayso 68 xubnood. 04 September 2019, Golaha Hoggaaminta wuxuu dhexdiisa ka doortay Guddoomiyaha Golaha oo loo doortay Md Prof. C/qaadir Maxamed Shirwac iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Md Cabdullaahi Cabdille Wehliye .
GO’AANNADA SHIRKA NABADDA HOBYO
1. Golaha Hogaaminta Beesha Habargidir (GHHG) waa gole ay ku midaysan yihiin Beelaha Habargidir, una matalaya fagaarayaasha guud, waxaana si wadajir ah magaca iyo mas’uuliyadda dhanka dhaqanka, siyaasadda, horumarinta bulshada ku hadli kara GHHG ee lagu doortay shirweynaha HG
2. Caleemo-saarka Golaha Hoggaaminta Beesha Habargidir waxaa la qaban doonaa dhammaystirka dhismaha gudiyada golaha kadib. Munaasabaddaas waxaa lagu casuumi doonaa madax-dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed iyo martisharaf kala duwan. Xafladda caleemo-saarka waxay dhaceysaa Sabti, 26/10/2019; waxayna ka dhacaysaa caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.
3. Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug iyo Dhismaha Dawlad Goboleedka
B. Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhoweeyey gogosha Dib-u-heshiisinta ee ka furmaysa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayadoo loogu baaqayo dhammaan dhinacyada abaabulkeeda ku lugta leh in farsamada shirkaas wax laga bedelo loona qabto beelaha Galmudug nabadayn dhab ah oo la mid ah tan Hobyo.
T. Shirku wuxuu adkeynayaa in Hanaanka dhismaha Dawlad goboleedka Galmudug uu noqdo mid daahfuran, ay ku wada qanacsan yihiin beelaha Galmudug talana ku leeyihiin, loona madax-baneeyo beelaha kala duwan in ay soo xushaan ciddii u matali lahayd goleyaasha dastuuriga ah iyo guddiyada la dhisayo.
J. Shirku wuxuu ku baaqayaa in dhammaan deegaannada ay Beesha Habargidir degto iyo kuwa ay wax ka degto loo sameeyo Golayaasha Deegaanka, lagana billaabo Degmada Hobyo ee hadda Shirka Nabadda lagu qabtay.
1. Nabadaynta Beelaha Soomaaliyeed
Shirka Nabadda Hobyo wuxuu ku baaqayaa soona dhowaynayaa dhab u heshiisiin dhex-marta beelaha iyo Umadda Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo midnimada umadda iyo jiritaan qaran Soomaaliyeed oo madaxbanaan, ayadoo beeshu ay u ballanqaadayso beelaha kale ee Soomaaliyeed in kaalin lixaad leh ay ka qaadanayso nabadaytna, dhab u heshiisiinta iyo soo celinta qarannimada Soomaaliya.
1. Dekedda HOBYO
Shirka Nabadda Hobyo wuxuu soo dhowaynayaa dadaalka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda aan walaalaha nahay ee QATAR ee ku deeqday dhismaha dekadda Hobyo. Hase yeeshee shirweynuhu wuxuu weydiisanayaa dawladda Federaalka Soomaaliya in loo soo bandhigo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kawa Galmudug nuxurka heshiiska dhismaha dekadda Hobyo si xog-ogoal loogu noqdo wax kasta oo ku xeeran heshiiskaas sida waqtiga la bilaabayo dhismaha iyo haddii ay jiraan shuruudo ka horeeya bilowga dhismaha.
Shirweynuhu wuxuu Isla gartay dhismaha Gudi Isku-tashi oo xubnihiisu ka kooban yihiin dhammaan beelaha Galmudug, wuxuuna guddigu si gaar ah uga shaqayn doonaa mashruuca dhismaha dekedda Hobyo, iyadoo lagala shaqaynayo dawladda federaalka ah sidii loo bilaabi lahaa dhismaha dekedda Isla markaana shacabweynaha Galmudug ay uga wada qeybqaadan lahaayeen hirgalinta mashruuca dekedda Hobyo.
BOGAADIN
Shirweynuhu wuxuu bogaadin aan qiimaheeda la soo koobi karin u soo jeedinayaa dhammaan intii iska xilsaartay dhismaha waddada Hobyo – Gaalkacyo gaar ahaan aasaasayaashii mashruucaan curiyey. Shirku wuxuu aqoonsanayaa waaya-aragnimada, qalabka ay gacanta ku hayaan iyo daacadnimada ay muujiyeen awgeed in Guddiga GOB ay noqdaan “Hey’adda Horumarinta iyo Dhismaha Waddooyinka Galmudug”.
Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dadka u dhashay beesha Habargidir iyo samafalayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeybqaataan dhammaystirka dhismaha wadadaas iyo waddooyinka kale ee ay gacanta ku hayso hey’adda maxalliga ah ee GOB. Sidaas oo kale, Dowladda FS iyo dowlad-goboleedka Galmudug waxaan ugu baaqaynaa in gacan ka gaystaan dhammaystirka wadadaas.
MAHADNAQ
Guddiga farsamada iyo dhammaan ka-soo-qeybgaleyaasha Shirka Nabadda Hobyo waxay mahadnaq ballaaran u soo jeedinayaan:
B. Shacabka reer Hobyo oo kaalinta kowaad ka qaatay habsami u-socodsiinta iyo martigelinta Shirka Nabadda Hobyo.
T. Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo nagu dhiirrigeliyay in shirkaan qabsoomo, nooguna soo duceeyay in uu guuleysto.
J. Waxaan u mahadnaqaynaa guud ahaan ergada iyo martida Shirka Nabadda Hobyo oo dulqaad badan u muujiyay duruufaha ay muteen muddadii shirkaani socday.
X. Sida oo kale, waxaan Beesha Caalamka uga mahadnaqaynaa niyad wanaagga ay u muujiyeen Shirweynaha Hobyo ee billaabay in beeluhu dhexdooda ka soo heshiiyaan iyaga oo dhan kasta isku tashanaya, taasina waxay tahay waddada saxda ah ee Shacabka Soomaaliyeed ay ku gaari karaan nabad waarta.
KH. Beelweynta Habargidir ee shirka Nabadda Hobyo isugu timid waxey si aan kala har laheyn ugu mahadcelinayaan Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed iyo wafdigiisa ka soo socdaalay deegaanno ku yaalla Somaliland si ay uga qeybgalaan Shirka Nabadda Hobyo.
GUNAANAD
Gebagebadii, Shirweynaha Nabadda ee Hobyo wuxuu ugu baaqayaa dhammaan beelaha Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo dhab-u-heshiisiinta bulshada iyo is-cafin ku timaada rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed iyada oo loo midoobayo cadowga muuqda iyo midka dahsoon ee aan oggoleyn in Ummadda Soomaaliyeed hore u socoto kuna naallooto Qarannimo waarta. Qarannimo ayaa na deeqda waana midda kaliya ee aan ku gaari karno dhammaan himilooyinkeenna ku aaddan nabadeynta iyo dimoqraaddiyadeynta Dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed.
Cali Max’ed Gaaboow
https://saxafiyare2.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi
0 notes
haldoornews1 · 4 years
Photo
Tumblr media
Imaaraadka Carabta oo xayiraad socdaal ku soo rogay 13 dal oo Soomaaliya ka mid tahay + Sababta Imaaraadka Carabta oo xayiraad socdaal ku soo rogay 13 dal oo Soomaaliya ka mid tahay + Sababta
0 notes
socdaal · 7 years
Photo
Tumblr media
Mr. Dhagodheere #naturallight #sunlight #blackandwhite #socdaal #portraitphotography #miloartstudio #canon7d #nomadicfaces #miloarts #614 #cbus #OHphotographer #columbusmodel
1 note · View note
saxafimedianetwork · 6 years
Photo
Tumblr media
Wefti Ka Socda Urur Goboleedka IGAD Oo Mar Kale Isku Dayaya Inay Dejiyaan Xiisadda Tukaraq Iyo Socdaalkooda La Filayo
0 notes
Text
Tumblr media Tumblr media
War-Murtiyeedka Shirka Hobyo HG
 Journalist  Wararka maanta  September 5, 2019 4 Minutes
SHIRKA HOBYO HG
@calisuxufisposts @calisuxufi