Tumgik
#Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
berberanews · 1 month
Text
Reer Ceerigaabo oo Soo Dhaweyn diirran ku qaabilay madaxweyne Biixi
Ceerigaabo:(Berberanews)-Bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa maanta si ballaadhan usoo dhaweysay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo kusoo gaadhay. Shacabka reer Ceerigaabo oo ay hormuud u yihiin hoggaanka dhaqanka, madaxda gobolka iyo kuwa degmada, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo…
0 notes
haldoornews1 · 2 years
Text
Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray Wareegto Cusub + Akhriso Faahfaahinta
Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray Wareegto Cusub + Akhriso Faahfaahinta
Hargeysa 19-12-2022 Isniin (Haldoor News):- Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray Wareegto Cusub + Akhriso Faahfaahinta WAREEGTO MADAXWEYNE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-966/122022, ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2022, Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka. Waxaanay u dhignayd…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 7 years
Text
“Mudane Madaxweyne, waxaad madax u noqon doontaa, dal aan lahayn caqli keliya, cudur keliya, cadaw keliya, caado iyo curfi keliya.Sidaa darteed,”
Hargeysa, Somaliland, December 14, 2017, (Saxafi) –  Munaasibad uu Xilka kula wareegayay Madaxweynaha cusub ee  Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa isugu yimid saddex madaxweyne oo Somaliland soo maray iyo affar madaxweyne ku xigeen.
Munaasibaddan oo aan nooceedu ka dhicin waddamada Caalamka inyar oo uu Maraykanku hogaamiye mooyaane. Waxaana goob jog ahaan, madaxweynaha xilka la wareegay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ah kii shanaad, Madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xilka ku wareejiyay ahna kii afraad, Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa madaxweynihii saddexaad, Afar ka mid ah Madaxweyne-ku-xigeennadii Somaliland oo uu ugu horeeyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo isagga ku negaaday kursiga, iyo kuwii hore u soo maray oo kala ah; Md. Xasan Ciise Jaamac, Md. Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyeyaasha Golayayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiillada – Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed na waa ay joogeen.
Khudbadaha Saddex Madaxweyne Ee Somaliland
Madaxweynaha cusub Mudane Muuse Biixi ayaynu ku bilaabaynaa, waxaanu khudbadiisa ku bilaabay salaan iyo dareenkiisa la xidhiidha munaasibadda xil-wareejinta. Iyo dedaalkii loo soo maray Somaliland iyo halganadii kala danbeeyay. Waxaana uu raaciyay, “Arrintani waa ku dhif dalalka soo koraya. Waxa intaa dheer, Somaliland afar Madaxweyne oo hore ayaa si nabad ah xilka isugu wareejiyey, maantana waxa loo fadhiyaa xil-wareejintii shanaad ee Madaxweyne codka shacabka ku yimid. Waxay caddaynaysaa bisaylka siyaasadeed ee dalkeena, waxay marag u tahay dhawridda sharciga iyo dimuqraadiyadda ka hirgashay Somaliland. Libtaa iyo karaamadaa waxa keenay shacabka Somaliland ee bir-labta ah, cidi kama taageerin, dayna laguma siin, waxaan u sheegayaa caalamku in aanay dayn nagu lahayn waa kuwa halkaa fadhiyee oo aan Baanku Adduunku na caawin oo aan Baanka Afrika na caawin oo aan dawladaha Afrika iyo kuwa Muslimku na caawin ee ay ummadda Somaliland Ilaahay kaashatay.” Ayuu yidhi, waxaa uu sheegay in Somaliland munaasibaddeeda xil-wareejinta afar Soomaali ahi goobjoog ka yihiin. “Maanta dalalkii Soomaaliyeed qaybtii Jabuuti, qaybtii Itoobiya, qaybtii Kenya, qaybtii Somaliland, waxa innaga dhiman qaybtii Koonfur (Muqdisho) oo ay ahayd iyagoo qaranka Somaliland ictiraafsan inay ka soo qaybgalaan xafladdan, anigoo filaya inay dhawaan ka soo qaybgali doonaan” Sidaas ayuu yidhi Mudane Biixi.
Tumblr media
Madaxweynaha cusubi waxaa uu qiray dhibaatooyinka horyaalla dalka, “Qabyooyinka qarankeena waxa ka mid ah:
Shaqo la’aan
Saboolnimo
Sicir-barar
Riiqda abaaraha soo noq-noqday
Musuq-maasuq
Qabyaalad
Aqoonsi la’aan”
Tumblr media
Mudane Biixi, waxaa uu sheegay in arrimahaas laga bixi karrayo wada shaqayn iyo midnimo, isaga oo xussay arrimaha uu is leeyahay xal bay u noqon karayaan, oo ay ka mid yihiin in la Shilinka Somaliland la isticmaalo, in kor loo qaaddo wax soo saarka dalka, in shaqo abuur la sameeyo oo ay dhiirigelin doonaan maalgashiga, hay;adaha dawladda oo ay casriyayn doonaan, shaqo qaran oo ay dhalinyaradda gelin doonaan, dhaqaalaha oo ay kobcin doonaan. Musuqa oo ay la dagaalami doonaan, tayadda garsoorka oo ay xoojin doonaan. Waxana uu intaas ku daray oo uu yidhi. “Waxaan diyaar u ahay oo tallaabooyinkeedii u horreeyeyna aan qaaday oo haddana aan wadaa in wax allaale iyo wixii xanaf ka dhashay Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay in aan bogsiiyo oo weliba aan diyaar u ahay in aniga la igu jiifsado iyo xisbiga KULMIYE lagu jiifsado oo walaalahayaga waxtirsanaya aannu bogsiino, iyagana waxa laga rabaa walaalahayaga waxtirsanayaa inay garqaataan, wax baan kaa tirsanayaa kuuna soo fadhiisanmaayo innama kala qabato, dhaqana umaynu lahayn. Mabaadi’da Xukuumadda Cusub:
Xukuumadda cusubi maaha meel xil la isku magacaabo oo dano gaar ah lagu fushanayo, xukuumadda aannu soo wadnaa noqomayso meel lagu badhaadho oo qofku ka taajiro.
Waxaan ballan idiinku qaadayaa qofka kasta oo aannu u soo magacaabo oo ka mid noqda golaha wasiirrada ama hay’adaha kale ee dawladda in hawsha loo dhiibay lagula xisaabtami doono waqti iyo maalba.
Waxaan idiin ballanqaadayaa inta qof bani’aadam ahi ku dadaalo in aannu ku shaqayno sinnaan iyo caddaalad oo xukuumadda aan soo dhisi doonaa ay dhex u noqoto Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, masuulka xil ka hayaana waa masuul Qaran, maaha inuu u adeegayo cid ama koox gaar ah.
Xukuumadda soo socotaa waa xukuumad ugu adeegi doonta bulshadeeda si siman.
Xukuumadda cusubi waxay xaqiijinaysaa in xilka Qaranka lagu kala sarrayn karo oo Madaxweyne, wasiir, taliye, agaasime, balse xuquuqda iyo sharciga loo siman yahay meel kasta oo la joogo.
Xukuumadda cusubi waxay la iman doontaa in 8 saacadood la shaqeeyo, iyada oo lagu dadaalayo in daryeelka shaqaalaha kor loo qaado hadba intii dhaqaalaheenu awoodo.”
Madaxweynaha cusub waxaa uu farriin u diray sidoo kale beesha caalamka oo uu sheegay in aanay ka helin Somaliland meeqaamkii ay mudnayd oo ay dhamays tirtay wixii dal casri ah looga baahnaa oo dhan, amaanka dunida iyo kan gobolkana ay qayb muhiim ah ka qaadatay. Waxaana uu tilmaamay in aanay Somaliland jecleyn caawimo. “Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa maaha in aynu sugno caawimo shisheeye iyo hay’ad loo shaqo tago ee innagu waa in aynu wax qabsannaa, maaha isku dhererino Soomaaliya oo gubanaysa ee waa in aynu hiigsanaa halka ay gaadheen dalalka horumaray ee ay ka mid yihiin Maleesiya, Singabuur, Kuuriyada Koonfureed iyo kuwo kale oo badan oo inala awood ahaa ama innaga hooseeyey 1960-kii markii aynu madaxbannaanida qaadanay.
Waxaannu u sheegaynaa adduunka oo dhan haddaanu Somaliland nahay miisaaniyaddayada yar ee aan cidina naga caawin waxaannu ku ilaalinaa 780 KM oo bad ah, maanta adduunka waanu ognahay dagaallada iyo rabshadaha ka socda, taas oo aan cidina naga caawin ee dadkayaga iyo ciidankayaga ilaaliyaan, nabaddaana annaga ayaa ku fadhina kow, waxa nala wadaaga oo dheefteeda hela dalalka jaarka ee ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo guud ahaan caalamka oo dhan, dhaqaalaha aannu ku ilaalino baddaa dheer waxa uu ka go’anyahay waxbarashadayada, caafimaadkyaga, biyahayaga, waddooyinkayaga iyo horumarkayaga oo dhan, caalamka waxaannu xaq ugu leenahay inay nagu abaalmariyaan oo ay naga caawiyaan, aqoonsi buuxana siiyaan Somaliland.” Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
Tumblr media
Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo khudbadiisi u danbaysay ka jeediyey shalay isna Xafladii Xil-wareejinta Madaxweynaha la dhaariyey ee talada dalka la wareegay ayaa waxaa uu salaan ka dib ka waramay taariikhdii uu soo maray iyo dedaalka uu dalka geliyay guud ahaan “Sidaa darteed, ALLAHAYGA WEYN, waxaan ugu mahad-naqayaa, in aanu igu xilin, xilkii ummadda, oo uu igu asturay, isla markaana aan ka tagayo Bulsho nabad ah, oo aan baas iyo belo colaadeeddhexdooda oolin.” Ayuu yidhi.
Waxaa kale oo uu ka waramay taariikhda Somaliland soo martay iyo sida loogu baahan yahay in hore loogu sii socdo oo la kordhiyo dedaalka. “Waxaan uga mahad-celinayaa, Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Riyaale Kaahin, sunihii wanaagsanaa ee uu Siyaasiyiinta Somaliland u sameeyey, kaasoo xeerkiisu yahay in hadba ciddii loo doorto hoggaanka dalka, si nabadgelyo ah loogu wareejiyo talada, isla markaanaaan la turun-turayn, ee taageero lala hareero taagnaado.Nidaamka qori isu-dhiibka iyo is-beddelka hoggaanka dalka, waxa tusaale inoogu filan, in ay maanta madashan fadhiyaan Saddex Madaxweyne iyo Afar Madaxweyne Ku-xigeen, oo u kala dambeeyey mas’uuliyadda iyo madaxnimada qarankan.
Dariiqaasi, waa tubta keliya, ee aynu ku horumarnay, isla markaana ku dhaafnay aduunkain badan oo asaageen ah.Waxaan u ducaynayaa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, oo geeriyooday, Eebe Naxariistii jano ha siiyo.Labada Madaxweyne, waxay ahaayeenhoggaamiyeyaal ku suntan, yag-leelidda iyo dhismaha hay-kalka dawladnimo ee qarankan.
Waxaan u mahad-naqayaa, Madaxdii iyo Mas’uuliyiintii kala duwanayd, ee ilasoo shaqaysay muddadii 7-sanno ahayd, ee aan qarankan Odayga u ahaa.Waxaan leeyahay, hawl-wadeenadaa aan cugtay, kuma khasaarin, ee waa kuwa iga kaal-meeyey horumarka iyo hal abuurka, ay xaqiijisay Xukuumaddii Xisbiga KULMIYE, ee aan gadh-wadeenka ka ahaa.
Waxaan ku bogaadinayaa, war-baahinta madaxa-bannaan iyo kuwa dawliga ah, intaba, doorkii lama-illaabaanka ahaa ee ay kaga soo qayb-qaateen, horumarka dalka, gurmadkii abaaraha, iyo guud ahaan nidaamka geedi-socodka doorashooyinka.”
Sidoo kale, waxaa uu u mahad-naqay, taageerayaashii xisbiga, waddamada jaarka ah iyo kuwa caalamka, masuuliyiintii la soo shaqaysay, Xisbiyadda qaranka iyo guud ahaan ummadda Somaliland. “Maanta xilkii aan idiin hayey, waxaan si rasmiya ugu wareejinayaa Madaxweynaha la doortay Mudane, Muuse Biixi Cabdi, oo ah hoggaamiye aan ku kal-soonahay inuu si wacan idiin hagi doono. Mudane, Muuse Biixi, wuxuu noqonaya goor-dhow, marka la dhaariyo, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland.Wuxuu Madaxweyne u noqonayaa, taageerayaasha Saddexda Xisbi Qaran, iyo dhammaan Bulshada Somaliland, mid u codeeyey, iyo mid ka codeeyey.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland, in ay adeecaan Madaxweynaha cusub, waxaana waajib ah, in aad ula shaqaysaan, sidii hagar la’aanta ahayd ee aad iila shaqayseen.Madaxweyne Muuse, waxa la gudboon dulqaad, dad isku wad, sinnaan iyo cadaalad, inuu qarankan ku hoggaamiyo.Waxa kale, oo la gudboon in uu dhayo dhaawacyadii iyo boogihii ka dhashay doorashada.Eebe Mahaddii, maanta waxaan wareejinayaa, Dawladnimo hano-qaaday, iyo dal horumar gaadhay, oo dadkiisu wada-heshiiyey.
Waxaan Madaxweynaha la doortay ku wareejinayaa, dal leh calan keliya, cumlad keliya, cudud keliya, iyo caqiido keliya. Mudane Madaxweyne, waxaad madax u noqon doontaa,dal aan lahayn, caqli keliya, cudur keliya, cadaw keliya, caado iyo curfi keliya.Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah, in aad daymo iyo dareen culus u yeelato.Mudanayaal iyo Marwooyin,
Muddadii aan talada dalka iyo dadka, midida daabkeeda hayey, ma ogi, si badheedh ama ula-kac ah, cid aan aniga iyo maamulkaygu toona, aannu xad gudub ama tacadi ku samaynay.Hase yeeshee, waxaanu nahay bashar gefi kara, sida annagaba naloogu gefo. Sidaa darteed, waxaan shacbi-gayga qiimaha badan leeyahay, aan isa-saamaxno, isla markaana isu soo ducayno,(Saamax naakum, if iyo aakhiroba).Gun iyo Gebo-gebadii, waxaan ALLE ka baryayaa, inuu xilka u fududeeyo Madaxweynaha cusub iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa. Waxaan ALLE ka baryayaa, inuu Bulshada Somaliland bash-bash iyo barwaaqo gaadhsiiyo.”
Tumblr media
Madaxweynihii Saddexaad
Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa khudbad ka jeediyey madashii dhaarinta iyo xilwareeejinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Jmahuuriyadda Somaliland waxaana uu ka waramay geedi socodkii dimuquraadiyadda iyo doorashooyinkii uu bilaabay ka dib geeridii Madaxweynihii uu ku xigeeka u ahaa Maxamed Ibraahim Cigaal. “06-May ayaa Alle haw naxariistee Berbera lagu aasay aad baan berrigaa u qeybsanayn oo mucaarid weyn baa jiray oo Gudoomiyaha guurtidu hoggaaminayo oo markaa Burco joogay hoggaaminayey oo markaa Xukuumaddii aan anigu Madaxweyne ku xigeenka ka ahaa ka soo horjeeday, laakiin nasiib wanaag Madaxweynihii markuu geeriyooday dhammaantayo waxaannu isugu nimi Aaskii heshiis baanu ku dhamaysanay amuurahayagii oo dhan wixii khilaaf jirayna halkaasuu nagaga baxay.” Ayuu yidhi. Waxana uu tilmaamay in sidaas doorasho lagu galay. “Maanta waxaan xoogaa dardaaran ah siinayaa Madaxweynaha la doortay, Kow Madaxweyne hawl qabad baa looga baahan yahay wax kasta oo adeega inuu waddankan ka qabto, laakiin waxa ugu mudan ee madaxweyne laga rabaa waxaa weeye isku haynta iyo wada jirka ummaddan taasi waxaan kula dardaarmayaa Madaxweynaha cusub ee la doortay, Madaxweynihii horena wixii uu qabtay waan ku ammaanayaa,  waxa kale oo aan Madaxweyne Muuse Biixi kula dardaarmayaa isaga iyo ku xigeenkiisa Madaxweynaha gaar ahaan waxaan kula dardaarmayaa, waa inay dadka reer Somaliland kuu wada siman-yihiin cid gaar ah oo iska soo qadinta oo dadka kalaanu kaaga dhawnahay tidhaahda waa in aanay meesha iman, waxaa muuqatay ololihii doorashadiina Xisbiyaan samaysanay in aan kaga baxsano beelnimada iyo qabyaaladda, qabyaaladu waa waxa ina burburinaya aakhirkeena ee ay ka dhammaan la’ayihiin walaalaheena Koonfurta Soomaaliya joogay, Xisbinimada in dib loogu soo dabaalo oo ay noqoto wax ka sareeya qabiilka taana waan kugula dardaarmayaa, waxaa kale oo aan kugula dardaarmayaa mudane Madaxweyne cidkasta oo aqoon leh iyo cidkasta oo waayo arag ah la tasho, balse ay noqoto go’aanku mid adiga kaasoo baxa, waa in aanay meeshaa jirin cid shaadhkaga gashata oo Muusaan ka wakiil ahay tidhaahda, waxaan ku rajeynayaa guul madaxweynaha xilka ka degayana nasiib wanaag iyo caafimaad baan u rajeynayaa.”
This slideshow requires JavaScript.
Kulankii Madaxweyneyaasha Somaliland Isaga Danbeeyay Oo Muujiyay Darajadeeda Iyo Khudbadihii Saddexda Hoggaamiye “Mudane Madaxweyne, waxaad madax u noqon doontaa, dal aan lahayn caqli keliya, cudur keliya, cadaw keliya, caado iyo curfi keliya.Sidaa darteed,”
0 notes
xogsidemedia · 3 years
Text
Nuxurka Qodobadii ka soo baxay Fadhigii 87-aad ee Golaha wasiirrada
Nuxurka Qodobadii ka soo baxay Fadhigii 87-aad ee Golaha wasiirrada Hargeysa (Xogside) Fadhigii 87-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta qabsoomay, ayaa lagaga hadlayo…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
tayosamenews · 5 years
Photo
Tumblr media
“Cabdillaahi Fadal Intii Uu Noolaa Qaranka Ayuu U Shaqaynayey…” Madaxweyne Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay aas qaran loo sameeyay Taliyihii ciidammada booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa ka warramay taariikh nololeedka taliyaha,
0 notes
dtnews1 · 5 years
Text
MADAXWEYNE BIIXI OO TACSI UDIRAY SHACBIGA IYO EHELADII UU KA BAXAY MARXUUM CAAQIL AXMED CABDILAAHI XAREED (WEERAR) OO CAAWA KU GEERIYOODAY GABILEY
MADAXWEYNE BIIXI OO TACSI UDIRAY SHACBIGA IYO EHELADII UU KA BAXAY MARXUUM CAAQIL AXMED CABDILAAHI XAREED (WEERAR) OO CAAWA KU GEERIYOODAY GABILEY
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo…
View On WordPress
0 notes
Video
MADAXWEYNE BIIXI OO Gaadhay jiida hore ee Tuka-raq iyo Ciidamada Qaranka Somaliland +SAWIRADDA CAJIIBKAA Hargeysa (XEERBEEGTINews):- Madaxweynaha Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq.
0 notes
berberanews · 1 month
Text
Madaxweyne Biixi  oo la kulmay haween weynaha gobolka Togdheer.
Burco-16-08-2024-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xalay kulan gaar ah la qaatay haweenka kala duwan ee ku dhaqan magaalada Burco. Madaxweynaha ayaa haweenka ka dhegaystay afkaar iyo aragtiyo kala duwan oo xaaladda dalka la xidhiidha, waxana uu dhinaciisa ku sifeeyey haweenka inay yihiin lafdhabarta bulshada, islamarkaana ay yihiin kuwa ugu badan…
0 notes
haldoornews1 · 2 years
Text
Madaxweynaha Somaliland, oo Xeer ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka + Akhriso warsaxaafadeed
Madaxweynaha Somaliland, oo Xeer ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka + Akhriso warsaxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:- Xeer Madaxweyne Lr. 18/122022 Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 6 years
Text
Waxqabadka Xukuumadda Somaliland Ee Gu’ Jirsatay
Waxqabadka Xukuumadda Somaliland Ee Gu’ Jirsatay
(more…)
View On WordPress
0 notes
xogsidemedia · 3 years
Text
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi - Waxa la yaab ah in madaxda Soomaaliya dabka nala soo gala yidhaahdaan
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi – Waxa la yaab ah in madaxda Soomaaliya dabka nala soo gala yidhaahdaan Hargeysa (xogside) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyay munaasibada 28 guurada ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya mid waliba dhankeeda isku dhisto, madaama oo sida uu sheegay midowgii lagu hungoobay. Madaxweynaha…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
tayosamenews · 5 years
Photo
Tumblr media
Magacyada Xubnaha Madaxweyne Muuse Biixi U Diyaariyay Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu diyaariyay Saddexda xubnood ee ka mid noqonaya guddida doorashooyinka Qaranka ee cusub kadib markii xisbiyada Waddani, UCID iyo guurtidu soo gudbiyeen afarta xubnood ee ay soo magacaabayeen.
0 notes
Video
Daawo :- Qaabkii Reer Oodweyne Maanta U Soo Dhaweeyeen Madaxweyne Muuse Biixi Oodweyne (XEERBEEGTINews):- Shacabka magaalada Oodweyne ee caasimada gobalka Daadmadheedh ayaa waxaa ay si balaadhan u soo dhaweyeen waftigii uu hogaaminaayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta duhurkii gaadhey Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan..
0 notes
berberanews · 1 month
Text
Madaxweyne Biixi oo la kulmay madaxda xisbiga KULMIYE Togdheer
Burco:13/08/2024(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa magaalada Burco kulan gaar ah kula yeeshay madaxda xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer. madaxda xisbiga ee gobolka Togdheer iyo degmooyinka, ayaa madaxweynaha uga war hawlaha shaqo ee ay xisbiga ugu xilsaaran yihiin, waajibaadka saaran iyo qorsheyaasha ay damacsan yihiin inay ku…
0 notes
haldoornews1 · 2 years
Text
Wacaal Cusub: Madaxweynaha Somaliland oo Caydhiyey Laba Masuul+ Akhriso Faahfaahinta.
Wacaal Cusub: Madaxweynaha Somaliland oo Caydhiyey Laba Masuul+ Akhriso Faahfaahinta.
Hargeysa 23-11-2022- Arbaca (Haldoor News):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray Shaqadii ka caydhiyey Laba Masuul oo kala ahaa Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka iyo Wasiirkii Warshadaha iyo Maalgashiga. WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 23 /11/2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala…
Tumblr media
View On WordPress
0 notes
saxafimedianetwork · 6 years
Photo
Tumblr media
Booqashaddii Jiidda Hore Ee Madaxweynaha Somaliland Iyo Farriinta Uu Ciidanka Faray
0 notes